GUDOMIYE KU XIGENKII HORE EE G/TOGDHEER GULEED DAAHIR SAMATAR OO SI BALADHAN LOOGU SOO DHAWEYAY MAGALADA BURCO + EEDAYNA USOO JEEDIYAY XUKUMADA + SAWIRO

GUDOMIYE KU XIGENKII HORE EE G/TOGDHEER GULEED DAAHIR SAMATAR OO SI BALADHAN LOOGU SOO DHAWEYAY MAGALADA BURCO + EEDAYNA USOO JEEDIYAY XUKUMADA + SAWIRO

Burco (Salaanmedia.com) Sunday, March 09, 2014 – Waxa Maanta si Baladhan Oo Aanay Shacabka Reer Burco u Kala Hadhin ay Usoo Dhaweyeen Gudomiye ku Xigenkii Hore Ee Gobalka Togdheer Guleed Daahir Samatar Oo ay Dhawaan Xukumadu Xabsiga Dhigtay.
Guuleed 4

Tagerayal Tiro Badan,Gadiid,Haween iyo Arday Aad u Tiro Badan ayaa Soo Dhawaynta Loo Sameyay Masuulkani Kaga Hortagay Degmada Qoyta Oo ilaa 18-Km Dhinaca Waqooyi ka Xigta Magalada Burco.
Guuleed 9

Masuulkani ayaa Gadiid iyo Dadwayne Aad u Tiro Badani Markii Uu Soo Gaadhay Gudaha Magalada Burco Waxa Lagu Soo Warejiyay Qaar ka Tirsan wadooyinka Waawayn.
Guleed 33

Waxaana Dadwaynihii Reer Burco Ee Marayay Agagarka Wadooyinkii ay ahayeen Kuwo ku Soo Dhawaynayay Caleemo Qoyan Masuulkani.
Guuleed 22

Guleed Daahir Samatar ayaa Gabi-Gabadii Loo Galbiyay Guriga Uu ka Degan Yahay Magalada Burco.
Guuleed 10

Ugu Horaynba Soo Dhawayntani Baladhan Ee Loo Sameyay Gudomiye ku Xigenkii Hore Ee Gobalka Togdheer Guleed Daahir Samatar ayaa Waxa ka Hadlay Dayib Cabdi Xirsi .
Waxaanu Masuulkaasi ku Soo Dhaweyay Magalada Burco.

Guleed 44

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Anigoo ku Hadlaya Afka Dhalinyarada Gobalka Togdheer Waxaanu Maanta Magaladisii ku Soo Dhawaynaynaa Mujaahid Guleed Daahir Oo Runtii ah Nin Halyay,waxaanu Leenahay Gudomiye Waanu kaa Raali-Galinaynaa Tacadigii ay Kugula Kacday Xukumada Siilanyo,Gudomiye ku Soo Dhawow Dhalinyaradii Togdheer iyo Bulshadii Reer Burco Ee ku Jeclayd Soo Dhowow Gudomiye” Ayuu Yidhi Dayib Cabdi Xirsi

Guuleed 88

Jaamac Sidiiq Oo ka Mid ah Masuliyinta Xisbiga Mucaradka ah Ee Wadani Ee Gobalka Togdheer Oo isaguna ka Hadlay Soo Dhawaynta Masuulkani ayaa Shegay inay Xisbi ahaan ay Soo Dhawaynayaan Cid Kasta Oo Tacadi Kula Kacdo Xukumada Silanyo Xisbiga Kulmiye.
Guuleed 10

Guleedd 3

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Waxaanu Maanta soo Dhawaynay Guleed Daahir Oo ka Qiimo Badan Maalintii ay Ciidanka RRU Ee Tacadiga Badan Shacabka u Gaysteen Ugu Dhaceen Gurigisii,Waxaynu Maanta wada Qirsanahay inuu Guleed Daahir Yahay Nin Aan Qabin Danbigii Dusha Laga Saarayay,Waxaanu Leenahay Xadhigii Guleed Siyaasiyan Wuu ku Dalacay Meeqamkiisina Sare ayuu u Kacay,Anagu Haddii Aanu Nahay Xisbiga Mucaradka ah Ee Wadani Waxaanu Soo Dhawaynayaa Cid Kasta iyo Shakhsi Kasta iyo Muwaadin Kasta Oo Xukumada iyo Xisbiga Kulmiye ay Tacadi Kula Kacaan ayaanu Soo Dhawaynaynaa,Xisbiga Wadani Waa Hoyga Laga Galo Cadalad Darada Xukumada Silanyo Kula Kacdo Shacbiga,Waxaanu Soo Dhawaynaynaa Oo si Meeqam Sare ah ku Qaabilaynaa Gudomiye ku Xigenkii Hore Togdheer Guleed Daahir Oo ay Xukumadu Weerar Shakhsiyana ku Qaaday,Waxaanu Soo Dhawaynaynaa Shakhsi Kasta ha ahadee ama Muuse Biixi Cabdi ha ahadee Oo Cadalad Darro Tirsanaya” Ayuu Yidhi Siyaasiga Da-da Yar Jaamac Sidiiq

Guuleed 88

Caaqil Cabdi Xasan Cunaaye ayaa isaguna Dhankiisa Halkaasi ka Hadlay ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii

” ilaahay Dulmiga haynaga Qaado,ilaahay Dowlada Silanyo Xaqa ha Wafajiyo,Dhalinyarow Waxaanu idin Shegaynaa in Aanu Sadex Bilood Hargaysa Joognay Guleedna Maxkamada la Geeyay Waxna Lagu Waayay,Xukumada Somaliland Waxaanu u Shegaynaa inay ilaashato Nabad-Galyada,iskana ilaaliso Kuwa Shaqalaheed ah Ee Jooga Madaxtoyada Ee Reer Burco ah Ee Ugu Horeeyo Xirsi,Waxaanu Leenahay Haddii Guleed Burco Dhib ka Wado Hore ayaa Loo Shegi lahaa Maxkamaduna Way ku Cadayn Lahayd,Waxa la Yaab leh Markay Dowladu Tidhi Guleed Burco ma Tagi Karo Waxaanu Leenahay Guleed Waa Libaaxa Togdheer” Ayuu Yidhi Caaqil Cabdi Xasan Cunaaye

Gudomiye ku Xigenkii Hore Ee Gobalka Togdheer Mudane Guleed Daahir Samatar ayaa Eedayn Kulul usoo Jeediyay Xukumada Talada Haysa,
Waxaanu Shacabka Reer Somaliland uga Digay in Aanay Marnaba Dhicin isla Markaasna Aan Wakhtiga Loo Kordhin Xukumada Silanyo .

Mudane Guleed ayaa Shacabka ku Baraarujiyay Hadii Xukumada Madaxwayne Silanyo Wakhtiga Loo Kordhiyo Dalka Oo Dhan Laga Dhigo Banaanbaxyo Waawayn.

Waxaana Ka Mid ahaa Hadalidisii ” Aad iyo Aad Baan Ugu Mahad Celinayaa Shacabkii Qiimaha Ee isoo Dhaweyay Haday Tahay Cuqaasha,Ardayda iyo dadwaynaha Aadka U Tirada Badanlaba,Waxaan idinka Mahad Celinayaa Intii Aan Cadalad Darada ku Xidhnaa Sidii Aad Saxafadda Mar walba Uga Hadlaysaan,Waxaanan Sidoo Kale u Mahad Celinayaa Shacabka Reer Somaliland Ee Gobalada Dalka Oo Dhan Dibad iyo Gudaba Wixii Cadalad-Darada Neceb Ee ka Hadlay Cadaralad Darada Wadanka,Waxaan idiin Shegayaa Reer Burco Haddii Aad Tihiin Aniga Cid Nabada iga Jeceli ma Jirto Ubadkaygii ayaa Jooga,Carurtaydu waxay u Baahan Tahay ayay Caruurta Kalana u Baahan Tahay,waxaan Leeyahay Dadka Nabad-Galyo darada iyo Dibin-Daabyada Wadaa Waa Nimanka Dowlada iyo Dalka Haysta Ee Maanta Doonaya in Aanay Dorasho Dhicin Ee Loo Kordhiyo Miyaynu Yeelnaa,Waa Maya Su-aashu,waxaan idin Leeyahay Dalka Cidii aynu u Dooranay ma Xukunto Afar inan Oo wasiiro ah Oo Aan la Bedelin ayaa Dalka Xukuma,Waxaynu Leenahay Korodhsiimo waynu Diidnay Dorasho Xor ah Oo Xalaal ah ayaynu Doonaynaa,Haddii ay Dowladu Korodhsimo la Timaado Waxa inoo Balan ah Midaam Taxriir” Ayuu Yidhi Guleed Daahir Samatar.

Si Kastaba ha ahatee Soo Dhawayntani Baladhan Ee Loo Sameyay Gudomiye ku Xigenkii Hore Ee Gobalka Togdheer ayaa Noqonaysa Soo Dhawayntii Ugu Baladhnayd Ee ay Shacabka Gobalkaasi Togdheer ay ku Qabilaan Guleed Daahir Samatar.

Salaanmedia/Burco