Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland Oo Si Heersare ah Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Kuwayd+Sawiro.

CIRO XOOG 4

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland Oo Si Heersare ah Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Kuwayd+Sawiro.
CIRO 1

Kuweit:(Salaanmedia.com)-Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Kuwait oo uu booqasho ku yimi
Gudoomiye Cirro iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo oo ka soo kicitimay Boqortooyada Sacuudi carabiya oo ay muddo ku sugnaayeen ayaa Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Kuwait si diiran oo kalagacalnimo leh uga soo dhaweeyeen caasimada dalka Kuwait.
CIRO 2

Gudoomiye Cirro iyo xubanaha weftigiisa oo la sheegay inay muddo gaaban halkan joogi doonaan ayaa la filayaa inay fagaareyaal kala hadli doonaan guud ahaan Jaaliyada iyo Bulshoweynta Reer Somaliland ee halkan ku dhaqan gaar ahaana Taageerayaasha xisbiga Waddani.Ku darsoo waxa kaloo u qorsheysan kulamo ay la yeelan donaan masuuliyiin ka tirsan dawlada Kuwait.
Gudoomiye Cirro waxaa Socdaalkiisa ku Wehelinayey Madax Iyo Masuuliyiin Kala Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Xildhibaan Xoog, Xildhibaan Naasir X Cali Shire Iyo Fagfagaash.

CIRO 3

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Dalkaasi Kuwayd Naasir Maxamuud Firdhiye Ayaa Sheegay Inay Ku Faraxsan Yihiin Socdaalka Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Iyo Weftiga Uu Horkacayo.
CIRO 5

CIRO 5

Waxaanu Naasir Intaasi Ku Daray in uu Gudoomiyuhu Kulan Mug Iyo Miisaan Leh La Qaadan Doono Bulshadda Reer Somaliland Ee Ku Nool Dalka Kuweyd si Uu Gudoomiye Cirro Uuga Xog Waramo Waayaha Uu Dalkii Iyo Dadkii Reer Somaliland Ku Sugan Yihiin Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Kuwayd Naasir Maxamuud Firdhiye

CIRO 9

CIRO 5