Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Ku Aadan Mudo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Siilaanyo

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Ku Aadan Mudo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Siilaanyo
SULMAAN GAAL
Hargeysa(Salaanmedia.com):- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta si kooban uga hadlay
Mudo kordhin Xukumadda Madaxweyne Siraanyo loo sameeyo oo maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay. waxa uu sheegay inuu ku rajo wayn yahay in doorashadu wakhtigii loo asteeyay dhacdo islamarkaana aanu arkayn wax asbaab ah oo dib u dhigi kara Doorashada badhtamaha sanadka soo socda la filayo inay dhacdo.
” Dee Markeedii iyo Mawqifkeedii inaanay midna ahayn ayaan anigu u arkaa. Xukumaddan waxaa u hadhay Sanad iyo Badh ugu yaraan, dee Ilaahay ha ina gaadhsiiyo Markaas ayaynu ka talinaynaaye.” ayuu yidhi Golaha Guurtida Somaliland oo saxaafadu waydiisay aragtidiisa ku aadan mudo kordhin.
Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlaya Aragtidiisa ku aadan marka Xukumadda xilku ka dhamaado in mudo loo kordhin doono waxa uu yidhi ” waxaynu ka fursan wayno maanta anigu ma arko, Doorashadana sanad iyo badh ayaa ka hadhay, waxaanan ku rajo waynahay inay Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.”
Maalmihii u dambeysay ayaa si wayn loo hadal hayay Mudo kordhin Xukumadda Madaxweyne Siraanyo loo sameeyo ka dib markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow hore u sheegay in Somaliland xeer leedahay Madaxweynaha Talada hayana mudo kordhintiisu diyaartahay.
Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa si wayn uga biyo diiday hadal haynta la xadhiidha Mudo loo kordhiyo Madaxweyne Siraanyo, iyagoo carabka ku adkeeyay inay aaminsan yihiin hadal sanadkii hore Madaxweyne Siraanyo u jeediyay Golaha Baarlamaanka oo uu ku sheegay inaan Doorashadu maalina xiliga loo qabtay dib uga dhici doonin.
Madaxweyne Siraanyo ayaa mawqif adag ka taagnaan jiray Wakhtigii Mucaaradka uu ahaa Mudo kordhintii Xukumaddii Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale dhawr jeer loo sameeyay.

laaqalo