Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Cadeeyey Mawqifkiisa Ku Aadan Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Cadeeyey Mawqifkiisa Ku Aadan Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo
muuse-biixi

Hargaysa(Salaanmedia.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal haynta Mudo kordhin Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo loo Sameeyo.
MMMUUSE

Waxa uu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii Doorashada wakhtigeedii loo qaban
lahaa Muuse Biixi Cabdi Oo Waraysi Gaara Siiyey Tvga Qaranka Somaliland Wuxuu Yidhi:
“Waxa weeye in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto Dadaala waanu ugu jiraa, Waakii Madaxweynuhu isagoo Baarlamaanka la hadlaya yidhi Saacad in lay kordhiyo diyaar uma ihi. Annagu waxaanu ku soconaa sida Distoorku dhigayo Shantii sano markay dhamaadaan in Doorashadii la qabto. Waanu ku dadaalaynaa cid walbana inay ku dadaasho weeye, wixii foorso maanjor ah ee awoodeena ka baxsan dee Ilaahaybaa ku shaqo leh, laakiin annagu mawqifkaanu ka taaganay waa kaas.”
Gudoomiyaha Kulmiye oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray “Waanagii wada jir u saxeexnay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto
Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku, Madaxweynuhuna waxa
uu warqad u diray Qolada inaga caawisa xaga doorashada, Xukumaddana waa ka diyaar xageeda wixii dhaqaale ah ee kaga soo hagaagay” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Komishanka ay ku wada socdeen Qorshe ah in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto, balse aanu
garanayn waxa hadda keenay Cabashada iyo Mudo kordhinta ay ka dhawaajiyeen.
Mudooyinkii u dambeeyay ayaa si aada loo hadal hayay in Xukumaddu wado
Qorshe laba sano loogu kordhinayo Mudada, inkasta oo wali sanad iyo badh uga hadhsan yahay Wakhtiga sharciga ah. Mucaaradka ayaa si adag uga soo
horjeestay hadal hayntaasi oo aan si rasmi ah looga hayn Xukumadda.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sidoo kale Beeniyay warar sheegayay in Lacag gaadhaysa afar Milyan oo Doolar loo siiyay si uu uga tanaasulo
Musharaxnimadiisa 2015-ka
“Horta Kalmadaas ah Lacag baa la siiyey
meesha kuma jirto,Xataa wax-wax aan afka ku haboonayn ayaa jira,Qadiyada iyo masuuliyadda Qaranku wax iib gala maaha, waana wax aad u
liita waxaasi waanan arkayay qaar waxaasi qoray, wax laga jawaabana maaha waa Arin aad u qaab daran. Ta Musharaxnimadu Shirkan kuma jirto
wakhtigeediina ma joogno. Marka wakhtiga Musharaxnimada la gaadho dabcan dad badan ayaa xaq u leh inay ku yimaadaan is-sharaxaad. Markaa xiliga la gaadho ayaa laga wada hadlayaa yaa musharaxa sidaynu wax nidhaahnaa
laakiin hadalkaasi imiku waa wax iska macno daro ah” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Xisbiga Kulmiye ayaa dhawaan Xaliyay Khilaaf mudo soo jiitamayay, kaasi oo lagu xaliyay inaan hogaanka Xisbigaasi lagu tartamin shirweynaha soo
socda ee Kulmiye.

Laaqalo