Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Lagaga Hadlaayo Shirka Dooda Qaran Iyo Arimo Kale Oo Muhiim Ah

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Lagaga Hadlaayo Shirka Dooda Qaran Iyo Arimo Kale Oo Muhiim Ah

Faysa Cail

Hargaysa(Salaanmedia.com)mar.21.2014-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlayey Munaasibad xisbiga UCID u qabtay garabka haweenka ee xisbigaas ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga hawl galo sidii loo qaban lahaa doorashooyinka soo socda.Waxaa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha lagaga hali doono dooda qaran ee la filaayo in dhawaan ay dalka ka dhacdo.

Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo ka hadlaya waxyaalaha lagaga wada hadli doono shirka dooda qaran ee loo balansan yahay in la qabto bisha June ee sanadkan ayaa waxa uu yidhi “Baryahan waxaanu ka shaqaynaynay waxay ahaayeen laba arimood oo midi ahayd shirkii wada tashiga qaranka kaas oo aanu u arkayno inuu yahay mid aanu doonayno inay ka soo baxaan waxyaalo inaga qabyo ah oo jiray mudadii uu dalku jiray waxaana ka mid ah dastuurka oo qabyo ah, waxa kale oo ka mid ah guurtida oo habkii loo abuuray iyo habka ay u shaqaysaa aanay is lahayn, waxa kale oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada oo ee 82-ka ah shuruudu ahayd in mar kaliya lagu galo, waxa kale oo ku jirta awood qaybsigii oo aad moodo inuu dhinac maray taas oo keentay inay Somaliland kala dhantaalanto oo aduunkii lagu ceebeeyo, kootadii dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay la siin lahaa ayaa iyaduna ku jirta.”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa kale oo uu sheegay inaanay suura gel ahayn in wax mudo kordhin ah loo sameeyo xukuumada haatan talada dalka haysa, waxaanu yidhi “Arimaha maalmahan suuqa lagaga hadlayo ee la leeyahay mudo kordhin ayaa la samaynayaa wax kordhis la yidhaahdaa ma jiro, mudo kordhintuna waa xaaraan ka guurtiduna waa xaaraan ka golaha wakiiladuna waa xaaraan mid dawladeedna dhici maayo, hay’ad danbe oo wakhtigeedu dhamaado loo kordhin maayo, dawladana xilkeedu waxa uu ahaa in wakhtiga ay xukunka hayso ay hagaajiso doorashooyinka oo dhan , dawlad danbe oo xilkeedii ka soo bixi wayday in abaal gud loo siiyo mudo kordhin oo wakhti kale loogu daro taasi dhici mayso, wuu ina soo maray liisankaasi kuna celin mayno.”

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid mar uu ka hadlayey arimo la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha dalka waxa uu sheegay inay lacagta Somaliland marayso qiimihii ugu hooseeyey isla markaana dalkeediii ku qiimo dhacday, waxaanu tilmaamay in barnaamijka xisbiga Ucid ay ku jirto sidii loo soo celin lahaa qiimaha lacagta iyo sidii dawladu gacanta ugu qaban lahayd adeegyada muhiimka ah waxaanu yidhi “Maanta lacagteena waxa ugu yar ee laysticmaalaa waa shanta boqol , lamana isticmaali karo boqol mana yaalo, waxaanu doonaynaa inaanu soo celino qiimaha ay leedahay lacagteenu, waxan imika la bixinayo ee biyihii, laydhkii, caafimaadkii iyo waxbarashadiiba laga dhigo mid gaar loo leeyahay(private) inaanu suura gelin, barnaamijka xisbiguna waxa weeyaan in waxyaalaha daruuriyaadka ah ay dawladu gacanta ku hayso oo aan cid gaar ah gacanta loo gelin.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe…

Salaanmedia/Hargaysa