Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Isku Shaandhayn Sameeyey+Xubno Cusubna Magacaabay

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Isku Shaandhayn Sameeyey+Xubno Cusubna Magacaabay

unnamed

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa magacaabay saddex xoghaye iyo lataliyaha Gudoomiyaha ee Dhanka maalgashiga, iyada oo xilalkan qaarkood laysku badeley halka qaar cusubna la magacaabay.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha ayaa waxa loo magacaabay Md. Mustafe Maxamuud Qodax halka Xoghayaha Warshedaha loo magacaabay Md. Cali Cabdilaahi Dagaal oo hore u ahaa Xoghayaha Dhaqanka Iyo Hiddaha.
Xoghayaha Dhaqanka Iyo Hiddaha ayaa waxaa loo gacaabay Md. Cabdi Guuleed Gaboobe iyadoo lataliyaha Gudoomiyaha Ee Maalgashiga Loo magacaabay Md. Axmed Cali Ubaxle oo hore u ahaa Xoghayaha Arrimaha Gudaha.
Ugu dambayn gudoomiyaha ayaa ilaahay uga baryey masuuliyiintan cusub inuu xilkooda ku garabgalo, isla markaasna noqdaan qaar ku guulaysta xilalkaas ay qaadeen.