Guutooyin Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Sanaag Bari Iyo Puntland Oo Ka Huleeshay

Guutooyin Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Sanaag Bari Iyo Puntland Oo Ka Huleeshay.
Ciidan-Qar-3

Guutooyin Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ku Ruqaansaday Sanaag Bari Iyo Puntland Oo Ka Huleeshay.

Ceerigaabo(Salaanmedia.com) Guutooyin Ciidanka Qaranka oo isugu jira kuwo fadhiyadoodu yihiin Ceerigaabo iyo kuwo degaanno debedeed ka soo xeroodayba ayaa gelinkiii danbe ee xalayto gudaha magaalada Ceerigaabo waxay uga dhaqaaqeen dhinaca degaannada Sanaag-bari oo maalmahanba laga soo sheegayey dhaqdhaqaaqyo ciidan in ay ka wadeen maammul-goboleedka Puntland.

Wararka aannu ka helnay ciidammadan ayaa sheegaya inay gaadheen degaanno badan oo Sanaag-bari ka tirsan oo horeyba ciidammada qaranka Somaliland fadhiisinno ugu lahaayeen

“Waxan ku suganahay Carmale iyo xeryahayagii ciidanka qaranku hore u degganaayeen dhinaca Badhan-na waxa ku sugan guutadii halkaas hore u degganayd”. Sidaas waxa yidhi Abbaanduulaha ciidammada qaranka gobolka Sanaag Saleebaan Maxamed Guuleed oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

Waxa kaloo wararka degaannadaas naga soo gaadhayaa sheegayaan in dhaqdhaqaaqyadii dhinaca Puntland noqdeen “Alif macallin tiray” meel ay jaan dhigeenna aan la garanayn.

Dhinaca kalena ruqaansiga ciidankan qaranka ee Sanaag-bari ayaa u muuqda mid ka dhashay wasiirka gaashaandhigga Somaliland (Cadami) oo kaddib maalmo uu magaalada Ceerigaabo ku sugnaa kaddib caqabado kaga yimid awgood markay u suuta geli weydey inuu gaadho degaannada degmada Badhan uu maalin uun ka hor dhaqaaqa ciidankiisan isaguna Ceerigaabo uga boqoolay dhinaca Hargeysa.