Habeen Danbe Maxaa Kala Haysta Kooxaha Manchester United Iyo Manchester City?

Habeen Danbe Maxaa Kala Haysta Kooxaha Manchester United Iyo Manchester City?
habeen

David Moyes ayaa habeen danbe isku dayi doonaa inuu qaboojiyo hadalada laga sheegayo mustaqbalkiisa Manchester United waxaana uu haminayaa inuu dhaawaco rajada Manchester City ee horyaalka marka ay soo booqdaan Old Trafford.
Waxaana intaas u sii dheer kooxda martida loo yahay ee Red Devils oo raadineysa inay aarsato guuldaradii 4-1 ee xilli ciyaareedkan bishii September ku soo gaadhay Etihad Stadium.
Dhanka Manchester City waa koox rajo weyn ka leh hanashada horyaalka waana kooxda ka muuqata magaalada Manchester waqti xaadirkaan waxaana ay raadin doonaan inay seddex dhibcood ka qaataan jaarka yihiin islamarkaana ay xilli ciyaareedkan labada kulanba ee horyaalka dardaraan kooxda David Moyes.
Xilligan la joogo wax ka badan seddex dhibcood ayaa miiska u saaran labada kooxood, waxaana miiska saaran sharafta magaalada Manchester. Adigase midabkee tahay Casaan mise Buluug?
Sadaal ka bixi kulanka la sugi la’yahay ee habeen danbe dhexmari doona kooxaha Manchester United v Manchester City?