Haweenay La Raadinayay Muddo Todobaada ah Oo Maydkeeda Laga Helay Guri Ku Yaala Hargeysa.

Haweenay La Raadinayay Muddo Todobaada ah Oo Maydkeeda Laga Helay Guri Ku Yaala Hargeysa.

latest-news

Hargaysa (Salaanmedia.com) Allaah Haw Naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa laga helay Duleedka Guriya Ku Yaala Xaafada New Hargeysa ee Degmada Gacan Libaax.
Maydka Marxuumadda oo muddo laba todobaad ah nolol lagu raadinayay ayaa goor dhaweyd la keenay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.
Qaar ka mid ah ehelada Marxuumada oo aanu wax ka waydiinay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in maydkeeda laga helay Xaafad ku taala New Hargysa, halkaas oo ay hawl u tagtay.
Maydka Marxuumadda ayaa la sheegay in laga soo saaray Meel God ah loo qoday, waxaanay noqonaysaa dhacdo ugub ku ah dalkani Jamhuuriyada Somaliland.
Marxuumadda oo raacadeeda lagu jiray Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxa ay eheladu intaasi ku dareen in xaafada New Hargeysa ugu tagtay markii hore qoys ay lacago ku lahayd, balse aan wax war ah laga helin wixii intaasi ka dambeeyay.
Ciidamadda Booliiska Ayaa Wadda Baadhitaano Badan oo ay ku baadhayaan falkan foosha xun, mana jiraan ilaa hadda wax faahfaafin ah oo ka soo baxay dilka Gabadhan.
Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Maydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa hadda la keenay Cusbitaalka Guud Ee Magaaladda Hargeysa.
Inaa Lilaah Wa Inaa Ilahayhi Raajucuun