Haweenay Xeelad Ku Caawisay Wiilkeeda Si Uu U Xado Laptop

Haweenay Xeelad Ku Caawisay Wiilkeeda Si Uu U Xado Laptop
HAHAHAH

Hooyo kasoo jeeda waddamada carabta ayaa tagtay dukaan lagu iibiyo Computer da oo ku yaalla dalkaasi Sucuudiga iyadoo oo ay la socdeen saddex carruur oo ay dhashay waxayna qorshaysteen inay xadaan alaabo qaaliya.
Qorshaha,waxaa ku jirey inay hooyadu shukaamiso shaqaalaha meheradda,ugu horeyntii way u shaqaysay qiyaanadii laakiin markii dambe ayay qaladaad samaysay haweeneydii.
Iyadoo sheeko markiiba u bilawday shaqaalihii laba kamida meheradaasi oo ku tiillay galbeedka dalkaasi Sucuudiga magaalada la yidhaah Taif, wiilkeeda oo 10 jir ah ayaa markiiba la booday laptop kadibna u cararay gaadhigii oo horyiillay meheradda.
Hooyadii iyogabadheedii 12jirka ahayd ayaa ka daba baxay wiilkii,gaadhigii ayay raaceen oo ay baxsadeen.
“laakiin nasiib darro waxay kaga tageen meheradii gabadhii siddeed jirka ahayd.markii la waydiiyey gabadhii numberka qoyskeeda iyo halka ay ku nool yihiin ayaa bileyskiina loo yeedhay oo la raaciyey gabadhii si ay u tusto aqalkoodii,” Ahmed Al Faleh¸oo kamida shaqaalaha meheradda ayaa u sheegay website ka dalkaasi Sucuudiga oo la yidhaah ‘Mzmz’.
“kadib waxaynu xaqiiqsanay inay la baxsadeen laptop iyo anagoo la yaaban sababta ay haweeneydani ay iskugu dayday inay na shukaansato. Bileyskii ayaa gabadhii geeyey aqalkoodii kadibna kasoo celiyey.”ayuu ku daray shaqaalahaasi.
Warbixinta ayaa raacisay inla xidhay haweeneydii iyo wiilkeedii.