Haweeney Dhimatay Lix Sanno Ka Hor Oo La Helay Kadib Markii Ay Lacagteedii Dhamaatay

Haweeney Dhimatay Lix Sanno Ka Hor Oo La Helay Kadib Markii Ay Lacagteedii Dhamaatay
HAWAWAW

Lix sano ayaa la bixiyey qarashka gurigeeda,cowskana waala jaraa qof ogna majirto in maydka uu yaallo gaadhigeeda kuraasta dambe oo yaalla geerashka.ayay sheegeen jaarka gobolka Michigan ee dalkaasi Maraykanka.
Haraadigii jidhkeeda ayaa mar dambe la helay todobaadkan kadib markii uu isku dayey inuu eego hantideeda markii ay lacagtii u taallay bangiga ay dhamaatay oo qarashkii gurigana la joojiyey bixintiisa,ayuu bileysku u sheegay saxaafadda.
Haweeneydan oo weli la xaqiijinin,laakiin loo malaynayo inay iyadu tahay qofkii ka fadhiistay shaqada 2008kii kadibna sii wada bixisay biilasha aqalkeeda markiiba.
Haweeneydan ayaa contract kula shaqaynaysay xarunta dhaqaalaha ee shirkadda gawaadhida.
Qof ka mida jaarka ayaa cawska ka jari jiray aqalka,xafiiska boostada ayaa warqad loo diray loona sheegay inay san cidna la degenayn gabadhaasi, ayuu yidhi bileyska.
“lacagtii ugu dambaysay eelaga soo saaro accountkeeda waxay ahayd March 2013,” ayuu raaciyey bileyska.iyadoo ay weli socoto baadhitaan ku saabsan dhimashadeeda.