Haweeney Sucuudiyaan Ah Oo 50 Sano Dawarsanaysay Oo La Ogaaday Hantida Ay Leedahay

Haweeney Sucuudiyaan Ah Oo 50 Sano Dawarsanaysay Oo La Ogaaday Hantida Ay Leedahay

Dawarsato Taajira

Haweeneydan oo u dhalatay dalkaasi Sucuudiga ayaa ku noolayd dawarsi nolosheeda oo dhan ilaa ay ka gaadhaysay 90 sanadood. markii ay dhimatay kadib ayaa la ogaaday inay ka dhimatay lacag gaadhaysa milyaan iyo afar guri oo ay lahayd.
Haweeneydan oo la yidhaah Aisha, ayey u sheegtay jaarka intii aysan dhiman in lacagteeda la siiyo dad masuul ah sababtoo ah malaha qaraabo ama carruur dhaxla hantideeda.
Wargayska kasoo baxa dalkaasi oo la yidhaah Okaz ayaa ku qiyaaasay dhakhliga haweeneydaasi 10 milyan oo doolar iyo afar guri oo waaweyn kuna yaalla caasimadda dalkaasi Sucuudiga Jeddah,ayuu wargaysku sheegay in Aisha ayaa baratay dawarsiga muddo 50 sano ka hor.
“waxay lahayd hanta 10milyan oo doolar oo cash ah,iyo 5milyan oo dollar dahab gaadhaya iyo afar guri o fooq ah,” ayuu ku daray wargaysku , isagoo kasoo xigtey mid kamida jaarkeeda oo ay jaar ahaayeen dhowr sanadood .
“intii aysan dhimanin,ayay iga codsatay in lacagteeda loo gacan geliyo dad masuul ah iyo hantida kaleba.aniguna waanku wareejiyey hantideedii oodhan dadki masuuliyiinta ahaa oo ay marqaati ka ahaayeen jaarka iyo marti sharaf leh.waxaana ka codsaday masuuliyiintaasi in si wanaagsan hantidaasi loo maamulo.”ayuu ku daray wargaysku.