Hawlaga Ciidamada RRU da Xalay Saqdii Dhaxe Magaalada Oodweyne Kula Baxday Masuuliyiin Xukuumada Ka Tirsan iyo Masuul sherkada Telesom ka Mid Ah Loona Soo taxaabay xabsiga Magaalada Burco

Hawlaga Ciidamada RRU da Xalay Saqdii Dhaxe Magaalada Oodweyne Kula Baxday Masuuliyiin Xukuumada Ka Tirsan iyo Masuul sherkada Telesom ka Mid Ah Loona Soo taxaabay xabsiga Magaalada Burco
RRU one

Oodweyne (Salaanmedia)-Ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka argagaxisada ee loo yaqaano RRu da ayaa Xalay saqdii dhaxe hawlgal ay wadeen kula baxday saddex nin oo kasoo kala jeeday masulliyiin ka tirsan xukuumada oo uu ka mid yahay xog hayihii Dawlada hoose ee degmada oodwene Axmed Max ed yuusuf iyo Taliye ku xigeenkii police ee g/daadmadheedh cabdi muuse iyo waliba maareeyihii sherkada telesom Cabdi Diiriye ee magaaladaasi oodweyne isla markaana ciidamada RRU du ay u soo taxaabeen nimankaasi xabsiga weyn ee magaalada Burco
Iyadoo maalmahanba ay ciidamada RRU du hawlgal ay ku daba socdeen gacan ku dhiiglayaashii dilka u gaystystay taliyihii saldhiga degmada x saalax marxuun hure sahal ayaa hadana aan wali lahayn meel ay gacan ku dhiiglayaashaasi jaan iyo cidhib dhigeen isla markaana ciidamada RRU du ay baadhitaan hor leh habayn hore ka bilaabeen badhtamaha magaalada oodweyne
L Q L