Hay’adda Horumarinta wadooyinka oo Qaadatay Shaqaalaha Qalabka Wadada Ceerigaabo

Hay’adda Horumarinta wadooyinka oo Qaadatay Shaqaalaha Qalabka Wadada Ceerigaabo
HAYAD WADADA

Hargeysa(Salaanmedia.com)Haya’adda Horumarinta Wadooyinka ayaa qaadatay shaqaale cusub oo ku shaqayn doona Qalabka cusub ee Hay’adaasi ku samaynayso wadada Ceerigaabo, kuwaas oo maalmahanba Imtixaan ku jiray.

Shaqaalaha la qaatay oo dhan lix iyo soddon qof waxa ay kala yihiin 18 Dirawal, 7 Shaywasha, 5 Baldawsarka, 4 Roler iyo 2 Greedher, waxaana u fadhiistay Imtixaanka ay ku soo baxeen dad farabadan kuwaas oo ku hadhay wareegii ugu danbeeyey.
Shaqaalahan oo lagu soo dhajiyey magacyadooda Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa Imtixaankooda wax aka wada qayb qaatay wasaaradda Hawlaha Guud, Hay’adda Shaqaalaha iyo farsamayaqaano aqoon u leh qalabka loo dhiibayo.
Qaar ka mid ah dadka Imtixaanka ku hadhay ayaa cabasho ka muujiyey qaabka loo kala reebay, hase yeeshee hay’adda Shaqaalaha Dawladdu wax talaabo ah oo ay qaaday oo aan ahayn Liiska ay soo dhajisay ma jirto.