Idaacad Ay Leeyihiin Dad Reer Somaliland Ah Oo Ku Taala Finland Oo La Sheegay In Somaliland Laga Dhagaysan Doono

Idaacad Ay Leeyihiin Dad Reer Somaliland Ah Oo Ku Taala Finland Oo La Sheegay In Somaliland Laga Dhagaysan Doono
news22

Helsinki, March 17, 2014 (Salaanmedia.com) – Idaacad ku hadasha afka Somaliga oo laga hirgaliyey dalka Finland oo ay leeyihin muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa sheegay in idaacadaasi laga dhagaysan doono Bariga dhexe iyo guud ahaanba Geeska Afrika.
Sida uu maamulka Idaacadaasi uu ku sheegay Warsaxaafadeed u qornaa sidan;-
Maamulka Radio Hilaac waxa uu ku wargalinaya bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay dunida daafaheeda ka joogaan in taariikhdu markay tahay 15.03.2014. uu hawada soo galayo Radio Hilaac saacadu markay Sideeda fiidnimo ilaa Sideeda iyo badhka fiidnimo (8:00PM- 8:30PM) ee Afrikada Bari.
Radio Hilaac waxa aydun hawada ka dhagaysan doontaand 15180 khz mawjada gaaban ee dhererkeedu yahay 19 meter band oo ah mawjada Shortwaveka ee loo soo gaabiyo SW, maalinkasta marka laga reebo Jimcaha ama habeenimada sabtidu soo galayso,
Hadii aad ku sugantahay Bariga dhexe ama Geeska Afrika sida wadamada Somaliland Itoobiya Kenya Somalia Jabuuti Uganda iyo Sudan waxaad u maqli doontaa Radio Hilaac si aad u saraysa waa inaad lahaataa Radiyow saamaxaya in aad ka dhagaysan karto mawjada SW-yada. Waxa kale ood naga dhagaysan kartaa marwalba meelkastood joogto barta internetka ee https://www.radiohilaac.com/
Ujeedo: Ka dib markii ay isu tageen dadka mida Qurbajoogta Somaliland waxay arkeen in ay tahay laga maarmaan in la helo Radio Dalka wada gaadha si loo kobciyo Saxaafadda Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyadda, Dalkuna u wada socdo
Cadayn: Waxa uu Maamulka Radio Hilaac ku wargalinayaa Shacabka, Dawlada Somaliland, Axsaabta Qaranka, Golaha Guurtida, Golaha Baarlamanka, in idaacadu tahay idaacad dhexdhexaad ah isla markaana u dhaxayn doonta oo ay ka simanyhiin Shacabka Somaliland Asxaabta Qaranka Mucaarid iyo Muxaafidba. Radio hilaac waxa uu ilaalin doona akhlaaqiyaadka Saxaafadda, waxa Radio Hilaac aan laga sii daynayn marnaba warar wax u dhimi kara Karaamada Iyo Sharaf Shakhsi kasta oo Muwaadin ah iyo wixii waxyeelo u gaysan kara qarannimada Somaliland .
Radio Hilaac waxa uu mar walba sii dayn doonaa barnaaijyo sare u qaadaaya aqoonta iyo aragtida Shacabka Somaliland.
Radio Hilaac waxa uu ku leeyahay xarumo Qaarada Maraykanka State-ka Minnesota, Washiton DC, Nashville Qaaradda Yurub Magaalada London Dalka Ingiriiska Magaalada Stokholm Dalka Sweden Magaalada Helsinki Dalka Finland Qaaradda Eeshiya Dalka Malesiya Magaalada Kulalambur iyo Imaaraadka Carabta
Radio Hilaac waxa uu buuxiyey Shuruudaha Caalamiga ah ee xeerka Saxaafadda Aduunka waxa kale oo uu buuxiyey Xeerka Saxaafadda Somaliland.