Ilmihii Ugu BuurnaaAduunka Oo Waalidkii Dhalay Ay Kala Wareegeen Shaqaale Hay’ad Samafal Ah

Ilmihii Ugu BuurnaaAduunka Oo Waalidkii Dhalay Ay Kala Wareegeen Shaqaale Hay’ad Samafal Ah
ILMIHII BUUR

Ilmihii ugu buurnaa dunida oo miisaankiisu yahay (19.7 kg) ayaa iminka la daaweeynaa kadib markii laga qaaday hooyadii dalkaasi Colombia.
Ilmahan oola yidhaah Santiago Mendoza ayaa miisaankiisu la mid yahay ilmaha lix jirka ah sababtoo ah hooyadii ayaa aad caano iyo cuntaba u siin jirtey marwaliba oo uu ilmeeyo ilmahaasi si aanu u ooyin mar dambe,sida uu sheegay wargayska la yidhaah Daily Mail.
Laakiin markii dambe waxay xaqiiqsatay in waxa ay samaynayso aanu caawinaynin ilmaha yari kadibna waxay u tagtay hay’ad samafal ahoo layidhaah (Gorditos de Corazon) si ay u caawiyaan, kadibna way la wareegeen ilmihii oo ayka qaadeen wiilkii iyagoo u kicitimay caasimadda dalkaasi Colombia ee Bogota si uu miisaankiisa u yaraado kadibna la daweeyo.
Wiilkan yar ayaa xaaladiisu ay qatar ahayd isagoo la tacaalayey xanuunka macaanka, iyo xanuunada ku dhaca jointska.
Wiilkan hooyadii ayaa aad ugu hanweyn in ilmaheedu uu joogo meel wanaagsan kadibna uu heli doono cafimaad wanaagsan,oo uu miisaankiisuna hoos u dhici doono.