Ilmo Yar Oo Mucjiso ah Oo Ku Dhashay Dalka Hindia Iyo Hooyadii Oo Amakaagtay

Ilmo Yar Oo Mucjiso ah Oo Ku Dhashay Dalka Hindia Iyo Hooyadii Oo Amakaagtay

ILMAYAR

Hooyo u dhalatay wadanka India ayaa dhashay ilmo yar oo mucjiso ah oo leh labo madax, ilmahan ayaa lagu tilmaami karaa mataano laakin waxa ay wadaagayaan sanbabka, wadnaha iyo caloosha walow madaxa uu yahay labo qofood .
Dr Shikha Malik oo ah dhakhtarada ku guuleystay inay dhaliso hooyada dhashay ilmahan ayaa sheegtay in ilmahan inta badan ay wadaagaan xubnaha hoose ee jirka halka kuwa kore ay gooni gooni kale yihiin.
Dhakhtarada ayaa intaa tilmaantay in ilmahani Mucjisada ah markii uudhalanayay madaxiisa mid uu hurdayay halka midkalena uu oynayay , waxa ayna intaa raacisay in caafimaad ahaan ay jiraan xoogaa infaction ah hadana ay u socdaan daaweyn .
Aabaha dhalay ilmahan oo lagu magacaabo Subhash Sharma ayaa sheegay in xaaskiisa ay dareentay xanuun saa’id kabidna uu ula cararay dhakhtarka halkaasi oo ay ku dhashay ilmahan mucjisada ah aad ayaynu uga naxnay ayuu warkiisa sii raaciyay.
Hooyo Urmila oo 28 jir ah oo ah hooyada dhashay ilamahan mucjisada ay ayaa illaa hadda amakaagsan iyada oo aanan arkin ilmaheeda yar laakin ,waxa la tusiyay sawirka ilmaha mucjisada ah…..