Iskaga dheeroow 10-kan nooc ee raga ah..Taxane

Iskaga dheeroow 10-kan nooc ee raga ah..Taxane

ISKAGA

1. Ina hooyo (Ee la koolkooliyay)
Waa nin quruxbadan, dixiin ah, waxaana laga yaaaba inuu yeesho inyar oo calool ah oo kasoo raacday cuntada hooyo, waqtigiisa inta badan waxa uu ku qaataa guriga, waxa uu bilawga kugu soo jiidan doonaa wuxuu kula daawanayaa taxanayaasha iyo aflaamta aad jeceshahay, laakin waxa laga yaabaa inuu hore u wada daawaday, calaamada halista ah ee uu leeyahay: wuxuu ku odhan doonaa waxaad tahay gabadhii ay waligeedba hooyaday ku riyoon jirtay si ay xaaskiisa u noqoto, waxa uu iskiin bari doonaa kulankiina koowaad, si aad iskaga reebtid waxaad ku tidhaahdaa waxaan daneeyaa raga iyagu dookhooga doorta balse aan hooyadood u doorin dharka uu xidhanayo.

2. Bakhaylka:
Waad aragtaa inta badan laakiinse kuuma muuqdo, kama soo ag wareego xafladaha iyo munaasabaadka ilaa iyo loo yeedho, waxa uu guursadaa xilli dambe, arinka uu kugu soo jiidan doono marka hore waa dadaalkiisa, shaqo jacaylkiisa iyo hanka wayn ee uu ka haysto mustaqbalka, calaamadiisa halista lehi waa dhamaan lacagtiisu waxay ku xaroonaysaa meel kaliyaata, waa jeebkiisa, calaamadiisa khatartu waxa weeye wuxuu badiyaaba daydayaa cudur daar si uu uga baxsado masuuliyadiisa lacageed, sida inuu sheegto inuu xanuunsanayo xuska maalintaad dhalatay si aanuu kuugu soo iibin hadyad, marka hotel laga cunteeyona waxa uu 10 daqiiqo ku habsaamaa xamaamka si uu uga dhaco bixinta lacatga cashada, si aad uga takhallustid noocan waxaad u sheegtaa inaad tahay qofka ugu lacag burburinta badan dunida korkeeda.
La soco….