Isku Buuqa iyo Cadhada Badan oo Ragga Bakhayl ka Dhigta, Haweenkana Naxariista ku Badiya

Isku Buuqa iyo Cadhada Badan oo Ragga Bakhayl ka Dhigta, Haweenkana Naxariista ku Badiya

isku buuq  yy

(salaanmedia.com) Sunday, March 23, 2014
Mr. Giorgia Silaqni oo ka socday Mac-hadka Caaamiga ah ee Daraasadaha Talyaaniga (International School for Advanced Studies of Trieste), ayaa xusay in ragga ay ku adkaato inay dadka kale la xidhiidhaan, talana ka qataan, isla markaana bakhayl noqdaan.

Isku buuqa oo caafimaadka dadka aad ugu xun, ayaa sidoo kale waxyeelo iyo faa’iidaba u yeesha xidhiidhka ummadda kale qofku la leeyahay sida cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro heer caalami ah xaqiijisay

Ragga iyo dumarka ayaa dabeecado kala duwan la yimaad marka isku buuqu ku dhaco, halka raggu noqdaan qaar bakhayliin ah oo waxa naftoodu tidhaa uun ku dhaqaaqa sida ay ogaadeen khubaradu

Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in haweenku noqdaan qaar caaddiifiyiin ah oo aad u calool jilicsan, naxariistuna ku badato marka isku buuqu ku dhaco, waayo inta badan waa qaar awoodda in ay dhibaatooyinkooda la wadagaan, guushooduna ku xidhnaato in caawimo ay ka helaan dad kale.