Jaamacadda Burco Oo Shahaado Abaal Marina Siisay Telefishanka Caalamiga Ah Ee Horn Cable Xafiiskiisa Magaalada Burco + Sawiro.

Jaamacadda Burco Oo Shahaado Abaal Marina Siisay Telefishanka Caalamiga Ah Ee Horn Cable Xafiiskiisa Magaalada Burco + Sawiro.

Cbale 1

Burco(Salaanmedia.com) Mar.22, 2014 – Telefiishanka Caalamiga ee HCTV xaruntiisa magaaladda Burco, ayaa kamid noqday Hay’addihii iyo Shirkadihii ay Jaamacadda Burco ku Maamuustay shahaadooyinka Abaalmarinta, kuwaas oo ku mutaystay ka qayb qaadashadda Horumarinta Jaamacadda Burco.
CABLE 2

Waxa Shahaadadaasi u guddoomay Wakiilka HCTV iyo Wargayska Jamhuuriya ee gobolada Bariga Somaliland, Kayse Axmed Digaale, waxaana guddoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Siilaanyo.

Sanadkii 2012 bishii Ogosto ee ay Jaamacadda ka qalin jabinaysay Dufcadii labaad ayaa wariyaha Telefishiinka HCTV iyo Wargayska Jamhuuriya ee gobolada Bariga Somaliand Kayse Axmed Digaale, kamid noqday dadkii shahaadooyinka abaalmarinta ah ay siisay Jaamacadda Burco, waxaana xilligaas guddoonsiiyey Shahaadada Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mud. C/raxmaan Cabdilaahi Saylici iyo wafti uu hogaaminayey ka soo qayb galeen Munaasibada qalinjabinta Ardaydaasi.