Jose Mourinho: Joojiya Inaad Garsoodhe Nooga Dhigtaan Chris Foy

Jose Mourinho: Joojiya Inaad Garsoodhe Nooga Dhigtaan Chris Foy

Jose Mourinho ayaa ugu baaqay Premier inay joojiyaan inay kulamada Chelsea garsoore uga dhigaan Chris Foy ka dib markii garsoodhaha uu casaan siiyay labo ciyaaryahan oo Blues ah iyo tababarahooda kulan muran badan dhaliyay oo ka dhacay Villa Park sabtidii.
Fabian Delph ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta taasoo dhaawac weyn u geysatay tartanka horyaalka ee Chelsea.
Mourinho ayaa markii taribuunka la saaray oo ciyaarta ay soo dhamaatay weydiistay inuu Foy kula hadlo qolka garsoodhayaasha laakiin garsoodhaha ayaa diiday inuu la hadlo macalinka Chelsea.
Mourinho ayaa ka careysan go’aankii uu Foy casaanka ku siiyay Ramires iyo Willian, waxaana uu ku isku dayay inuu afkiisa qabsado si uu uga fogaado in ganaax dheeri ah uu la kulmo.
“Malaha waxaa fiican in ururka garsoodhayaasha Premier League aysan u magacaabin Chris Foy garsoodhe kulamadeena” ayuu yidhi tababaraha Chelsea.
“Xaq uma leh inaan sidaas codsado. Kaliya waxaan qabaa inay qiimeyaan xaalada islamarkaana ay arkaan haddii mar kasta uu qabto ciyaaraha Chelsea ay dhibaatooyin dhashaan, waxaana qabaa inay noqon laheyd go’aan fiican inaan loo dhiibin kulamada Chelsea.”
Inkastoo uusan markaas tababare u aheyn Chelsea, Mourinho ayaa dib u gocday kulan Chelsea ay guuldarro ka soo gaartay QPR 2011kii markii Foy uu casaan siiyay Bosingwa iyo Didier Drogba.
“Markii ugu danbeysay ee aan xusuusto wax sidaan la mid ah waa ciyaartii garoonka QPR” ayuu yidhi Mourinho.
Markii loo sheegay in kulankaas uu sidoo kale Chris Foy garsoore ka ahaa, Mourinho ayaa yiri: “Ma aanan ogeyn taas. Waa isku aad.
Mourinho ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqda ah in markii Foy loo magacaabay inuu kulankooda garsoore ka noqonayo in si joogta ah looga sheekeysanayay xarunta tababarka ee Cobham.
“Ciyaartoyda waa ay ka hadlayeen ciyaartaas isbuucii oo dhan” ayuu Mourinho hadalkiisa raaciyay.
“Sabab ayayna u heysteen.
“Marnaba dan igama gasho cida garsooraha ah. Mana doonayo inaan ogaado. Laakiin bartamihii todobaadkan ciyaartoyda waxa ay ka hadlayeen xaalada, waxaana qabaa laga bilaabo haatan marka uu Mr Foy garsoodhe ka noqonayo kulamadeena waa inaan si ka duwan u la shaqeeyo dadkeyga.”:
Haddii FA-ga uu go’aansado in Mourinho ama cid kale oo gashay garoonka ay jabiyeen sharciga waxaa la ganaaxayaa lacag u dhaxeya 8 kun ilaa 12 kun ginni.