KASTAMKII BERBERA OO LABADII CISHO EE U DANBAYSAY LACAGTII AY QABTEEN KONTEENAR KU XAREEYAY, HALKII AY KA GAYN LAHAAYEEN BAANKA

KASTAMKII BERBERA OO LABADII CISHO EE U DANBAYSAY LACAGTII AY QABTEEN KONTEENAR KU XAREEYAY, HALKII AY KA GAYN LAHAAYEEN BAANKA
Kast Ber 1

Berbera(Salaanmedia.com)Kastamka Magaalada berebera ayaa labadii maalmood ee u dandeeya aan wax lacag ah gaynin banka Dhexe ee Berbera halka markii hore maalin kasta dakhliga soo xarod la gayn jiray 5:00 Galabnimo marka ay soo dhamaado dakhliga soo Xaroodaya Arinta ayaa waxaa cabasho wayne ka muujiyaya Ganacsadda ka adeegta Dekadda Magaalada berbera oo hore aan dhibtan ula kulmi jiran
Kast Ber 2

Mar aanu Booqasho ku tagnaya Xarunta Kastamka Magaalada berbera ayaa mashquul Ahaa lacagtiina ay ku xaraysnayd kontirada 40fit ah lacagtaas oo ah lacag aad u tiro badan ayaa waxaa ilaalo ka ah Askar badan oo lacagtaasi wardiyaynayaya kuwaas oo aanu isku dayna in aanu wax ka waydiino maamulka kastamka/ berbera ayaa ka Gabsada in ay jawaaab ka bixiyaan.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in nidaamkii hore ee ganacsatadu ugu xaryn jireen lacagta wasaarada maalayadaya ee ahaa in ganacsatadu ay lacagta gayn jireen Xawaalada Dahabshiil iyo Sky One dabadeedna ay kaqaadan jireen jeeg , kaasi oo ay gayn jireen Baanka wasaaradu ka shakiday

Kase Ber 3

Hadaba waxaanu Gaadhka Dekadda Berbera kula kulanay Ganacsadto badan oo uu ka mid yahay Ganacsade Ibraahim Xuseen (Geeno) oo ah maamul shirkadda IBCO COMPANY oo sida lacag aad u tira badan ayaanu waydiinaya dareenkiisa ayaa sheeg in ay dhib badan kale kulmeen Nidaamka Cusub ee Wasaaradda maaliyada soo rogtaya Ganacsadaduna aanaya Qaadi Karin waxaas oo dhib ah

Hadaba arintan ayaa u muuqta in Baankii iyo wasaaradda maaliyad soo kala dhexgalay shaki arintan ayaa keeni karta in lacag badan ku lunto madaama aan Nidaamkii Xisaabaadka la marin xisaabadkiina aanay ka war haynin wax lacag soo xaroonaya.

Salaanmedia/Berbera