Khilaafkii Sharci Ee Maalmihii U Danbeeyey Soo Kala Dhex-Galay Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Iyo Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa Oo Maanta La Soo Af-Jaray

Khilaafkii Sharci Ee Maalmihii U Danbeeyey Soo Kala Dhex-Galay Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Iyo Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa Oo Maanta La Soo Af-Jaray
KHILAAFKII

Hargaysa(Salaanmedia.com)mar.16,2014-Khilaafkii sharci ee Maalmihii udanbeeyey soo kala dhexgalay Wasiiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa kaasi oo ku sal lahaa degreetooyin uu soo saaray Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryqeyntu ayaa maanta la soo afjaray.
Shir-jaraa’id oo ay si wada jira uqabteen Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta iyo Madaxda Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysi ayaa waxaa ay daboolka kaga qaadeen in wixii khilaafa ee soo kala dhex galay ay xaliyeen islamar ahaantaana wixii farsamo ahna ay dib xafiisyadu uga hawlgali doonaan .
Wasiirka Wasaarada Hawalaha Guud Iyo Guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed Oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa
“..Baryahan waxaa war baahinta haystay warar siyaaba badan looga faa’idaystay oo qolaba ay sidii ay jeclayd u qaaday oo muujinaayey in Dawlada Hoose Iyo Dawlada Dhexe oo ay Wasaaradu ay Wakiil ka tahay ay is hayaan waxaan markaa idiinku yeedhnay in hawshaa iyada ah hadiiba uu jiray uun oo si uun wax laysula fahmi waayey in Dawlada Hoose ama Golaha Deegaanka ee Caasimada iyo Wasaaradu ay dhameeyeen wixii khilaaf ahaa ee jiray inaan halkan aan idiinku cadayno, wixii farsama ahna laysagula noqon doono xafiisyadii Haayadaha Dawlada , Dawlada dhexena inaaney marnaba duulimaad ku ahayn xaq ay leeyihiin Golayaasha Deegaanka ee Dalku Dawlada Hoosena aanay diidanayn wax xuquuqa oo Dawlada Hoose ay leedahay ..”
Dhinaca kale waxaa isaguna halkaasi Kalmad Kooban ka soo jeediyey Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco waxaana uu sheegay in ay maanta heshiiskan ay ugu dhanyihiin labadii dhinac ee khilaafku dhexamaray wixii farsama ahna lagu dhamayn doono Xafiisyada
“..Anigu horta laba kaadhbaan isticmaalayaa midi waa tii caasimada ah midna waa mid aan kaga wakiil ahay dagmooyinka ay dorasho ka dhacda oo dhan, runtii dee xafiiska shacriyan wax waa lays waydiiyaa khilaafkasta oo dhacay ama khalad si kala loo turjuntayba anagu hada waanu uga dhanahay wixii shaqo ah ee farsama ahna xafiisyada ayaa lagu dhamaynayaa…”