La Galaxy Oo Mushaar Badan U Soo Bandhigtay Frank Lampard Si Uu Xagaaga Uga Soo Tago Blues

La Galaxy Oo Mushaar Badan U Soo Bandhigtay Frank Lampard Si Uu Xagaaga Uga Soo Tago Blues
Galxry

Kooxda ka ciyaarta horyaalka mareekanka Ee MLS-ka La Galaxy ayaa diyaar u ah ina xagaaga la soo saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea Frank Lampard, sida ay daabacday Daily Mail.
35 jirka reer England ayaa ka fikiraya mustaqbalkisa Stamford Bridge, heshiiska uu kula jiro kooxdisa Chelsea ayaa dhamanaya xagaaga, waxana suura gal ah inuu xiddigan isaga tago kooxda galbeedka London marka uu soo idlaado xilli ciyaaredkan.
Inkastoo ay suura gal tahay in tababare Jose Mourinho uu xiddigan 1 sano dheeri ah heshiiska ugu daro hadane La Galaxy ayaa dooneysa inay Frank Lampard ka saxeexdan heshiis hal sano ah iyo mushaar 4 milyan oo Ginni sanadkiba.
Frank Lampard ayaa xilli ciyaaredkan u saftay Blues kaliya 16 kulan oo ka mid ah 30-ka kulan oo ay Chelsea ciyaartay Premier League, wuxuna xiddigan u saxeexay 6 gool dhaman tartamada oo idil, waxana haatan xiiseynaya La Galxay oo laacibkan mushaar badan u balan qaadeysa hadii u xagaaga isaga soo tago Stamford Bridge.