Lixdan Jir Ka Yimi Dalka Norwey Oo Noqday Qofkii Habeen Hore Isku Qarxiyey Hotel Camalow Ee Degmada Buulo Burde

Lixdan Jir Ka Yimi Dalka Norwey Oo Noqday Qofkii Habeen Hore Isku Qarxiyey Hotel Camalow Ee Degmada Buulo Burde
Lixdanjir

Buuloburde: (Salaanmedia.com)-Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay codka oday lixdan jir ah oo ay sheegeen inuu ahaa shaqsigii isku qarxiyey habeen hore hotelka Camalow oo ku yaala degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.
Idaacada Andalus ee ku hadasha codka Al-shabaab oo wareysi ka qaaday ninkan ka hor inta uusan weerarkaas fulinin ayaa waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu naftiisa u huro difaaca diinta Islaamka iyo kor yeelida kalimadda Alle sida uu warka u dhigay.
Odaygan lixdan jirka ah oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Axmed Cabdulle Al-shabaab dhexdoodana looga yaqaanay (Xabiibulaah Mujaahid) ayaa sheegay inuu ka yimid dalka Norwey 13 sano ka hor uuna tan iyo xiligaas ka tirsana ururada islaamiga ah ee dalka ka jiray.
“Waan ku faraxsanahay inaan fuliyo weerarkan istish-haadiga ah waxaana rajeynayaa inuu alle iigu bedelo janadii maadaama aan nafteyda u hurayo sidii diintiisa loo koryeeli lahaa. Cadowga gaalada ahna loo leyn lahaa” ayuu inta ku daray C/llaahi Axmed Cabdulle.
Isagoo hadalkiisa sii wata isla markaana dhoolacadeyn laga dareemayo ayuu ugu baaqay ragga kale ee isaga la midka ah iney isqarxiyaan cadowga islaamkana laayaan si buu yiri ay u gaaraan raaligelinta Alle.
C/llaahi Axmed Cabdulle Al-shabaab dhexdoodana looga yaqaanay (Xabiibulaah Mujaahid) ayaa waxaa uu Al-shabab ka hor ka tirsanaan jiray ciidanka Jabhada Raaskambooni ee uu hogaamin jiray Axmed Madoobe kuwasoo qaarkood ku biiray Al-shabaab markii dambe.
Weerarkii ka dhacay habeen hore degmada Buulo Burde oo isugu jiray qarax ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ayaa lagu qaaday Hotel ku yaala degmada Buulo Burde, waxaana halkaas ku dhintay ciidamo iyo saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowlada halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.