Maamul Goboleedka Puntland Oo ciidamadooda Soo Dhoobtay Deegaano Hor Leh Iyo Saan saan Colaadeed Oo Laga Dareemayo Sanaag Bari

Maamul Goboleedka Puntland Oo ciidamadooda Soo Dhoobtay Deegaano Hor Leh Iyo Saan saan Colaadeed Oo Laga Dareemayo Sanaag Bari.

images

Laasqoray(Salaanmedia.com)-Cutubyo ka mid ah ciidamada daraawiishta dowladda Puntland ayaa la geeyey deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaan inta u dhexeysa magaalooyinka Ceerigaabo iyo Badhan ee gobolkaas

Punt Lan d

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Ee Maamul Goboleedka Puntland oo fadhigiisu yahay Badhan Laguna Magacaabo Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa sheegay in maanta oo jimce ah in dowladdu ay ciidamo gaysay deegaano ka tirsan gobolka oo uusan shaacin kuwa ay kala yihiin, balse uu ku sifeeyey xuduuda Puntland ee gobolkaas.

Wuxuu sheegay in ciidamadan ay ka hortegi doonaan dhaqdhaaqyo ay wado Soomaaliland, kuwaas oo ay ku jiraan in wefdi ka socda Hargaysa ay dhowaan tagaan magaalada Badhan.

Gudoomiye Ciyoon oo la hadlayey weriyaasha gudaha wuxuu tilmaamay in ay saaka kormeereen fariisimaha ciidamada dowladda ee gobolka Sanaag, wuxuu intaas ku daray in howlgalkan uu ka hortegi doono fara-gelin.

“dhuumashadii hore dowladdu talaabo ayey ka qaadi doontaa hadii alle yiraahdo.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Sanaag ee Puntland.

Rayidka Puntland ayaa si wayn uga carooday booqashadii madaxweynaha Soomaaliland uu ku tegay Laas-qoray toddobaadkii hore, iyo weliba jawaabtii ay xukuumaddu ka bixisay socdaalkaas. In kastoo isla xiligaas ciidamo la geeyey magaalada xeebta ah ee Laas-qoray.