Maamulka Puntland Oo Si Adag Uuga Hadlay Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo Ku Tagay Laasqore

Maamulka Puntland Oo Si Adag Uuga Hadlay Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo Ku Tagay Laasqorey.
PUNTLAND MAMUL

Maamulka Puntland Oo Si Adag Uuga Hadlay Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo Ku Tagay Laasqorey.

Garoowe(SM)-Shir jaraa’id uu galabta ku qabtay magalada Garowe wasiirka warfaafinta Puntlad Cabdiwali Xirsi Indhoguran ayuu ku sheegay Puntland inay ka xun tahay Socdaalka Siilaanyo ee Laasqoray ayna tahay daandaansi hor leh.

‘Puntland waxay diyaar u tahay inay difaacdo xuduudeeda waxayna ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhexmarta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed,waxan aad uga xun nahay dhacdaasi dhacday anagoo ka fakaraynay darisnimo iyo wanaaga”Indhoguran ayaa yidhi.
Wasiirka Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Yidhi:

“Waxay nagu noqotay arrin argagax ah, waayo marna lama filaynin in Siilaanyo uu joogo Laasqoray oo u dhow Boosaaso kana tirsan Puntland”
Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa ka danbaysay ka dib markii socdaal qorsoon uu madaxwayne Siilaanyo saaka ku aaday magalada Laasqoray halkaasoo uu dadkii uu la kulmay balan qaad ugu sameeyay isla markasna dhagax dhigay dekadda Laasqoray.

Waa markii ugu horaysay oo Madaxweyne ka tirsan Somaliland uu socdaal ku tago magalada Laasqoray oo ku taala dhulka ay ku muransan yihiin Somaliland iyo puntland inkastoo Uu dhulkaasi ka tirsan yahay Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa wali ku sugan Gobalka Sanaag waxaana maanta qado loogu sameeyay deegaan ku yaala waqooyiga magalada Laasqoray gaar ahaan magaaladda Maydh.

Salaanmedia/Burco