Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Eedo Garsoorku U Soo Jeediyey Xukuumadda

Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Eedo Garsoorku U Soo Jeediyey Xukuumadda
MADAXTOOYADA

Hargeysa, March 3, 2014 (Salaanmedia.com) – Madaxtooyadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay eedo ay xukuumadda ku dureen garsoorka gobolka Maroodi-jeex, kuwaas oo sheegay inay waaxda fulinta dawladdu ay ku hayso faro-galin qaawan.
Sida lagu sheegay warsaaxafeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul waxa lagu tibaaxay inaanay jirin faro-galin lagu hayo garsoorka dalka, isla markaana waxa lagu tilmaamay warsaxaafadeedkaasi hadii ay dhacdo masuul ay ku cadaato inuu faro-galin ku hayo bahda garsoorka Somaliland inuu madaxwaynuhu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono. Isaga oo dhamaystirana waxa uu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Ma jirto wax fara-gelin ah oo ay xukuumaddaydu ku hayso nidaamka garsoorka iyo caddaalada.
Waxaan xukuumad ahaan aanu u taaganahay in garsoorkeenu noqdo mid u hiiliya xaqa isla markaasina dhawra xuquuqda Aas-aasiga ah ee muwaadiniinta, sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo.
Waxaa maanta qaar ka mid ah warbaahinta lagu baahiyey war ku saabsan sida ay ku andacoodeen, qaarka mida xaakimada maxkamadaha hoose, in xukuumaddu ay garsoorka fara-gelin ku hayso.
Ma jirto wax dacwad ah oo arrintaasi ku saabsan oo iga soo gaadhay gudiga caddaalada, waxaana iga go’an xukuumad ahaan in aanu gacan-buuxda ku siino gudashada waajibaadka garsoor ee ay qaranka u hayaan maxkamaduhu, waxaana la dareemi karaa intii ay xukuumadaydu ay timid waxyaabaha iyo isbedelada ka muuqda garsoorka dalkeena, hadii ay jiraan cid shaqsiya ay fara-gelin u gaysatay garsoorka marka la xaqiiyo ka dib waxaan ka qaadi doonaa talaabada ku haboon.
Ugu danbayn garsoorka iyo maxkamadeheena waxaa laga rabaa iyada oo la dhawrayo anshaxa dawladeed iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha kala duwan ee dawlada, in wixii cabasho ah ee jira loo maro nidaam maamul iyo qoraal, balse aanay munaasib ku ahayn in warbaahinta la isu mariyo eedo iyo dacwado aan loo gudbin cidii ay khusaysay”.