Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo + Sawiro

ZIILANYO CER 2Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo + Sawiro
ZIILAN CEER 1

Ceerigaabo: (Salaanmedia.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo Waftigii uu hogaaminayey oo maal-mahanba socdaal ku maraayey gobolada dalka ayaa xalay gaadhay Magaalada Ceerigaabo halkaas oo ay ku hoyden.
Saaka markii waagu beryey ayaa jawiga Cerigaabo iyo soo dhawaytii lagu qaabilay ayaa layaab ku noqday weftiga madaxweynaha ku wehelinaysay safarkan.

Waxa xasuusteeda leh isu soo bixii ugu balaadhnaa ee ay sameeyaan reer ceerigaabo ayaa waxa uu noqday mid lagu qabtay barxad ka baxsan magaalada balse ahayd halkii laga bilaabayey wadada ee ahayd bilowga wejiga koowaad ee wadada lagana soo bilaabay dhanka Ceerigaabo, sidoo kalena waxa uu salaam sharaf ka qaatay Madaxweynuhu Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
ZIILANYO CER 3

Safarka madaxweynuhu ku soo gaadhay bilowga wadadaasi ayaa noqday mid rumoobay oo uu ka dhabeeyey markii uu keenay Qalabkii wadada lagu hirgelin lahaa isaga oo isla maantana Cagta saaray madaxweynuhu Cagaf-cagaftii hormoodka u ahayd Qalabka wadada ceerigaabo loogu talo-galay wadada in lagu dhaqaajiyo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 17.03.2014.

ZIILANYO BER 5

ZIILANYO BADA 6

ZIILANYO CER 4

ZIILANYO CER 2