Madaxweynaha Maamul-goballeedka Gal-Mudug Oo Sheegay Inuu Qarka U Saaran Yahay In Al-shabaab Kala Wareegto Maamulka, Kuna Baaqay In Loo Soo Gurmado

Madaxweynaha Maamul-goballeedka Gal-Mudug Oo Sheegay Inuu Qarka U Saaran Yahay In Al-shabaab Kala Wareegto Maamulka, Kuna Baaqay In Loo Soo Gurmado

QAYNDIID

Galkacyo, 29 March 2014 (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Gal-mudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), ayaa sheegay inay u baahan yihiin gacan ka caawisa ka hor tagga kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Gal-mudug Cabdi Caydiid waxa kale oo uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya inuu khatar ku yahay

deegaannada Maamul-goboleedka Gal-mudug oo ay firxadka kooxda Al-Shabaab soo galeen, waxaanu mar kale ku baaqay inay u baahan yihiin inay helaan gacan ka caawisa Al-shabaab, waxuuna si cad u sheegay inay isku urur-sanayaan deegaanno ka tirsan Galmudug inay u soo yaaceen. Waxa uu sidaas ku sheegay kulan uu shalay u qabtay Warbaahinta maamulka Galmudug, waxaanu yidhi, “Howl-gallada ka socda Koonfurta dalka saameyn buu ku yeeshay maamulka Gal-mudug, waayo Al-shabaabku waxay ku soo carrareen deegaannada Maamulka Gal-mudug, waxayna joogan iyagoo qaarkood hubeysan yihiin oo aan ka wantoobin howlahoodii, waxaanan idiin sheegayaa inaanaan awood u hayn Annaga oo kelliya.” Waxa kale oo uu sheegay inuu xidh-xidhay kooxo badan oo Al-shabaab ah, kuwaas oo uu tilmaamay inuu hayn meelo ay ku xidhaan, waxaanu yidhi, “Waxaan xidh-xidhnay qaar badan oo Al-shabaab ka tirsan xabsiyaduna way buuxaan, laakiin hadda ka dib awood aan is-kaga celinno ama aan ku xidh-xidhno ma lihin, waxaanan ku baaqayna in arrinta gacan nalaga siiyo, waxaanan dalbanaynaa in deegaannada ay ku soo dhumanayaan laga saaro.

Salaanmedia/Moqdisho