Madaxweynaha Somaliya oo Maleeshiyadda Khaatumo ku soo hubaynaya Somaliland iyo Raysal wasaarihiisa oo usoo xadhko xidhan Taleex. Waxay siiyeen labaatan Milyan waxaanay u badhi taarayaan sidii ay u wiiqi lahaayeen wadahadalada socda

Madaxweynaha Somaliya oo Maleeshiyadda Khaatumo ku soo hubaynaya Somaliland iyo Raysal wasaarihiisa oo usoo xadhko xidhan Taleex.
Waxay siiyeen labaatan Milyan waxaanay u badhi taarayaan sidii ay u wiiqi lahaayeen wadahadalada socda

Xassan

Muqdisho(Salaanmedia.com) xukuumadda Federalka Somaliya ayaa abaabulaysa qorshe ay ku wiiqayso wadahadalada usocda Somaliya iyo Somaliland, waxaanay bilowday inay Maal-galiso Maleeshiyada Khaatumo ee ku sugan Taleex iyo Buuhoodle, kuwaasoo toddobaadkanba ugu sugan magaaladda Muqdisho sidii ay uga soo qaadan lahaayeen Kaalmo la sheegay in Xukuumaddu ugu deeqday.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii aanu u dhoofin dalka Kuwait la kulmay koox uu hogaaminayo hor-joogaha Maleeshiyada Khaatumo, kuwaas oo la sheegay in uu guddoonsiiyey lacag aan xadigeeda la ogayn oo gaadhaysa illaa labaatan Milyan oo Doolar.
Kooxda uu Indho-sheel hor-joogaha ka yahay ayaa Madaxweynaha Somaliya ka dalbatay in ay kala soo qayb galaan Shir ay dhawaan ku qabanayaan magaaladda Taleex, halkaas oo ay ka wadaan abaabul ay kaga soo horjeedaan Maamul Goboleedka Puntland iyo Xukuumadda Somalilandba.
Ilo wareedyo hordhac ah oo la socda dhaqdhaqaaqa kooxda Khaatumo ku joogto muqdisho ayaa sheegaya in ay ku hawlan yihiin sidii ay Raysal Wasaare C/waliga Dawladda Federalka u keeni lahaayeen shirka Taleex, kaasoo Zaad-kiisa ay soo bixisay Dawladda Federalku.
Si kasta ha ahaatee Imaanshaha Raysal Wasaare C/wali Maxamed ayaa abuuri doona qalalaase hor leh oo ka baaxad weyn ka ay Puntland ka wado Gobolka Sanaag Barri iyo Sool, kaasoo wiiqi kara amaanka mandaqada sida uu Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya ku Doodayo.
Somaliland ayaa uga dhaaratay C/wali Gaaska Puntland inuu soo caga dhigto Gobolka Sanaag Barri iyo Soolba, waxaanay talaabada C/waliga Dawladda Federalku qoondaysanayaa noqon doontaa mid saamayn ku yeelan doonta wadahadaladii u socday Somaliya iyo Somaliland.
Sidoo kale, waxa Gobolka ka aloosmi doonta xaalad dagaal oo faraha lagaga gubto haddii aanay ka waantoobin damaca lagu daan-daansanayo madax banaanida Somaliland oo ah dal xuduudihiisu sugan yihiin.

Salaanmedia/Moqdisho