Madaxweynaha Somaliya Oo Markii Ugu Horeysey Dhaliil U Soo Jeediyey Besha Caalamka Sheegayna In Aanay Si Buuxda Ula Shaqeyn Dowladiisa

Madaxweynaha Somaliya Oo Markii Ugu Horeysey Dhaliil U Soo Jeediyey Besha Caalamka Sheegayna In Aanay Si Buuxda Ula Shaqeyn Dowladiisa
Xassan

Madaxweynaha Somaliya Oo Markii Ugu Horeysey Dhaliil U Soo Jeediyey Besha Caalamka Sheegayna In Aanay Si Buuxda Ula Shaqeyn Dowladiisa
Muqdisho: (Salaanmedia.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Beesha caalamka ku dhaliilay fulin la’aanta dhaqaalaha afka ku eeg ee Dowladda Soomaaliya loo balan qaado

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la qabtay shirar badan oo uu ka xusay shirka New Deal, balse ilaa hada aysan jirin wax dhaqaalo ah oo ka yimid beesha caalamka gacanta Dowladda Soomaaliyana si toos ah ugu soo dhacay.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in caalamka Soomaaliya uu ubalan qaado lacago aad ubadan, balse uu jiro gaabis badan oo ku aadan in Soomaaliya aan lasoo gaadhsiin lacagaha balan qaadyada loogu sameeyo.
Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inuu yahay dal Dowlad ka dhisan, balse hay’adaha Dowladda qaar aysan dhisneyn oo dalka hada dhibaato uu kasoo baxayo.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in beesha caalamka ay usheegeen in loo baahan yahay balanqaayada dhaqaalaha Soomaaliya in larabo in la keeno Soomaaliya oo lasoo gaadhsiiyo iyadoo loo marayo nidaam Dowli ah.
Beesha caalamka ayaa Soomaaliya ugu deeqda lacago badan, oo intooda badan ku kooban afka balse aysan jirin lacago gacanta Dowladda Soomaaliya si toos ah ugu soo dhaca marka laga reebo lacago yar oo gacanta Dowladda soo gala.

Salaanmedia/Mogdisho