Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Masaajid Cusub Oo Xildhibaan Khadar Ambassador Uu Ka Hirgeliyay Xaafada Masalaha

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Masaajid Cusub Oo Xildhibaan Khadar Ambassador Uu Ka Hirgeliyay Xaafada Masalaha
MASAAJID

Hargeysa, March 16, 2014 (Salaanmedia.com) – Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen (Ambassador) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortay Hargeysa ayaa Masaajid casriya ka hirgeliyay dhismihiisa xaafada Masalaha ee caasimada Hargeysa.
Masaajidkan uu xildhibaan Khadar Ambasador ka dhisay xaafada Masalaha ee caasimada oo uu xadhiga ka jaray madaweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa noqonaya Masaajidkii ugu horeeyay ee uu hirgeliyo xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada, kaas oo bulshada ku dhaqan xaafada Masalaha ee Hargeysa ay soo dhaweeyeen Masaajidka cusub ee laga hirgeliyay xaafadaasi, oo ay ku Tukan karaan dad tiradoodu gaadhayso dhawr boqol oo qof.
Md Khadar ayaa sheegay in dhismaha Masaajidka uu ka hirgeliyay xaafadaha Masaluhu uu ahaa mashruucii ugu horeeyay ee si fudud ugu fula hawlihii uu hore u soo qabtay.
dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa, gaar ahaan xaafada Masalaha ayaa si weyn u soo dhaweeyay hirelinta Masaajidkaasi cusub ee xildhibaanku ka dhisay xaafada, isla markaana Ilaahay uga baryay in xildhibaanka uu ku garab galo wanaaga iyo horumarka la taaban karo ee uu ka fuliyay xaafada.
Dhinaca kale saddexdii sano ee u dambeeyay oo aanu xildhibaan Khadar Ambasador oo aanu ka dhex muuqanin fadhiyada golahooda wakiilada iyo saaxada siyaasada ayaa isagu ku mashquulsanaa horumarinta dhinacyada adeegyada bulshada iyo ka qayb qaadashada hawlaha samafal ee bulshada Somaliland, gaar ahaan xaafadaha ay degan yihiin qoysaska danyarta ahi.