Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaadhay Laas-qoray Dhagaxna Dhigay Mashaariic Xukumadu Ka Hirgalin Doonto Magaaladaasi.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaadhay Laas-qoray Dhagaxna Dhigay Mashaariic Xukumadu Ka Hirgalin Doonto Magaaladaasi.
LAAZQORAY

Laas-qoray(Salaanmedia.com):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Saaka Subaxii Hore Gaadhay Magaalo Xeebeeda Laas-Qoray,Kadib Markii Uu Ka Ambo Baxay Degmada Maydh Oo Ay Xalay U Hoydeen.
Shacabka Ku Dhaqan Magalada Laasqoray Ayaa Si Balaadhan U Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Iyo Weftigiisa Iyagoo U Muujiyay Sida Ay Ugu Faraxsan Yihiin Inuu Socdaal Ku Yimaado Magaalada Laasqoray.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Wuxuna Halkaasi Kula Hadlay Dadweynaha Ku Dhaqan Magaaladaasi Waxaanu Sheegay In Xukuumadiisa Ay Ka Go’an Tahay Sidii Ay Deegaamada Sanaag Bari U Gaadhsiin Lahayd Horumar La Mid Ah Ka Gobolada Galbeedka Isagoo Bulshadana Ka Codsaday Inay Garab Istaagaan Dawladooda Kana Shaqeeyaan Horumarka Deegaamadooda ,Madaxweynuhu Waxa Socdaal Ku Tagay Dekadda Laasqoray .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Waxa Uu Dhagax Dhigay Mashaariic Ay Xukuumada Somaliland Ka Hirgalinayso Laasqoray.
Booqashada Madaxweynaha Somaliland Uu Ku Tegay Magaalada Laasqoray Ayaa Qayb Ka Ah Kormeerka Uu Ku Marayo Gobolada Dalka.
Socdaalka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo Weftiga Ayaa Guul Weyn U Xukuumadda Somaliland Oo Si Nabad Ah Ku Tagtay Laasqoray Oo Ku Taala Xeebaha Bari Ee Somaliland.
Waa Madaxweynihii Ugu Horeeyay Oo Somaliland Ka Socda Socdaal-Na Ku Taga Magalada Laasqoray Ee Somaliland.