Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb-Galay Munaasibad Loo Sameeyey Arday Ka Qalin-Jabisay Jaamacada Burco+Xadhigna Ka Jaray Dhisme TELESOM Jaamacada Ka Hirgalisay

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb-Galay Munaasibad Loo Sameeyey Arday Ka Qalin-Jabisay Jaamacada Burco+Xadhigna Ka Jaray Dhisme TELESOM Jaamacada Ka Hirgalisay

SSSS 1

Burco(Salaanmedia.com)mar.19.2014-Madaxwaynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)iyo Wafti Baladhan Oo Uu Hogaminayay Oo Habeenkii Xalay ahaa u hoyday Magalada Burco ee Gobalka Togdheer ayaa Maanta ka qayb galay Munaasibada balaadhan oo loo sameeyey arday ka qalinjabinaysay jaamacada Burco Ee Magaalada Burco.
Munaasibadan Balaadhan ee Loo Sameeyay Ardaydani ka Qalin-Jabinaysay Jamacada Burco ayaa Noqonaysaa Dufcadii Sadexaad Ee ka Qalin-Jabisa Jamacadaasi iyada oo ay tiradooduna ay gaadhayso 121-arday oo ka kala Qalin jabiyey Qaybaha kala duwan ee jaamacadaasi. Waxaana ka Soo Qayb-Galay Waftigii Uu Hogaminayo Madaxwaynaha S/land,Xildhibano ka Tirsan Golaha Wakiilada,Saladiin,Cuqaal,Masuliyinta Jaamacada Burco iyo Marti Sharaf Kale Oo Aad u Tiro Badan.

Siilaanyo 1

Ugu Horayn waxaa munaasibadaasi ka hadlay gudoomiyaha Gudida Horu-marinta Gobalka Togdheer Maxamuud aadan dheri waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:
” Waxa Noo Sharaf ah inuu Maanta Madaxwaynihii Dalku Nagala Soo Qayb-Galo Munaasibad Aanu Shahadoyin ku Gudonsinayno Ardaydii Ugu Tirada Badnaa Ee ka Qalin-Jabiya Jamacada Burco,Waa Guul Madaxwaynihii Oo 121 Arday Oo ka Qalin-Jabiyay Facult Kale Duwan Uu Shahadoyin Gudonsiyo,Madaxwayne Jamacadii Hada ayuunbay Lugihii isku Taagtay Waxay u Baahan Tahay Uun Baalashii ay ku Duuli lahayd”

Gudomiyaha Jaamacadda Burco Proff:Saleban Dirir Cabdi Oo isaguna Xafladaasi ka Hadlay ayaa waxaa uu ka xog waramay tirade ardayda ka qalin jabisay iyo sida oo kale qaybaha kala duwan ee ay ka soo baxeen,Waxaana uu gudoomiyahu uu si gaara ugu mahad celiykey shirkada telesom oo uu sheegay inay kaalin mugleh ka marinta jaamcada burco waxaana kamid ahaa Hadalidisii:
Siilaanyo 1

” Maanta Waa Maalin ka Mudan Maalmaha Kale,Waa Maalin ay Madaxdii Ugu Saraysay qaranku ay Shahadoyin Gudonsinayaan Ardaydii Ugu Tirada Badnayd Ee ka Qalin-Jabisa Jamacada,Ardaydani Jaamacadda Burco Waxay u Tahay Maalin Aad Ugu Qiimo Badan Waxaanay ardaydani Noqonayaan Dufcadii Sadexaad Ee ka Qalin-Jabisa Jamacadaasi Burco,121 ardayi Waxay ka Qalin Jabiyeen Shan Facult,Waxaan Jecelahay inaan Munaasibadani ka Xuso Shirkadaha Telesom iyo Dahab-Shiil Group Oo Runtii ay Waliba Shirkada isgadhsinta Telesom ay Sanadkan Xaga Waxqabadka Jamacada Burco ay Kaalinta Kowaad ka Gashay,Waxaan sidoo kale u Mahad Naqayaa Dhakhatiirta Gobalka Togdheer Oo iyaguna Qayb Muhiim ah ka Qaatay Jamacada Burco”
Siilaanyo 8

Gudomiyaha Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Maayirka Degmada Burco Ustaad Maxamed Muraad Oo iyaguna ka Hadlay Xaflada Qalin-Jabinta Ardaydaasi ayaa Hambalyo u Diray Guud ahaanba Ardayda Qalin-Jabisay.

Wasiirka Wasarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare S/land Marwo Samsam Cabdi Aden ayaa iyaduna Dhinaceeda Balanqaaday inay Xarun Cusub ay ka Dhisi-Doonto Gudaha Jamacada Burco.
Siilanyo Xir

Gaba-Gabadii oo uu Madaxwaynaha Somaliland halkaasi uu shahaadoyin ku Gudonsiyay Ardaydaasi ka Qalin-Jabisay Jamacada Burco,waxaan uu hadal kooban oo uu halkaas ka soo jeediyey uu hambalyo ugu diray dhamaanba ardayda kala duwan ee ka qalin jabisay jaamacada burco,waxaan uu sida oo kale uu uga waramay faa idooyinka ay leedahay waxbarashaduWaxaana ka Mid ahaa Hadalidisii:

” Aad Baan Ugu Faraxsanahay inaan Maanta Ardayda Jaamacada Burco Kala Qayb-Galo Munaasibada Qalin Jabinta Aad idinku Hanbalyaynayaa Guud ahaanba Ardayda Qalin Jabisay,Waxaynu Ognahay inay Tacliintu Qiimo Wayn u Leedahay Bulshada,Dunidu Waxay isku Dhaaftay Waa Waxbarasho,Dalka Waxa Badbaadiya ama Bedela Waa Dadka Aqoonta Barta,Dalkeenu Waa Dal Nimco Taalo Dal Yar Maaha,Waxaan Markale Aad iyo Aad Ugu Hanbalyaynayaa Ardayda ka Qalin-Jabisay Jamacada Burco Waxaanan Leeyahay Halkaasi ka sii Wada Dedaalkiina” Ayuu Yidhi Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed
SSSS 1

Dhinaca kalena Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxaud (S iilaanyo) ayaa waxaa uu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo shirkada Telesom ay ka hirgalisay jaamacada burco waxaan uu si aad ugu amaanay horumarada ay lagarabtaagan tahay bulshada somalliland.

Salaanmedia/Burco