MADAXWEYNE SIILAANYO OO KORMEER HAWLEEDKII U DAMBAYAY EE SOCDAALKIISA GOBOLADA KU SOO GAADHAY MAGAALADA BURCO

MADAXWEYNE SIILAANYO OO KORMEER HAWLEEDKII U DAMBAYAY EE SOCDAALKIISA GOBOLADA KU SOO GAADHAY MAGAALADA BURCO
Ziilanyo

Burco (Salaanmedi.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhaweyd soo gaadhay Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

LAAZKA DHAGA

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo masuuliyiin kale ayaa waxa si weyn ugu soo dhaweeyay Magaaladda Burco Masuuliyiinta Gobolkaasi iyo waliba dadweyne aad u tiro badan.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu meel fagaare ah kala hadlo dadweynaha reer burco, kuwaas oo uu kala hadli doono sidii ay dalka dhinacooda wax uga qaban lahaayeen isla markaana horumarkiisa uga shaqayn lahaayeen, xukuumada uu gadh-wadeenka yahayna ay diyaar ugu tahay in ay wax la qabato.
Hadii uu madaxweynaha u suurto geli waydo in uu meel fagaare ah kala hadlo dadka ku dhaqan Magaaladda Burco, waxa loo badinayaa in ay furan tahay dariiq kale, taas oo ah in wakhtiga uu ku sugan yahay Magaaladda uu kulamo kala duwan la yeesho waxgaradka beelaha wada dega Magaaladda Burco, kuwaas oo uu kala hadli doono sidii ay xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay wax ula qabsan lahaayeen.
Socdaalka Madaxweynaha oo ka soo bilawday Magaaladda Gabiley ee xarunta Gabiley ayaa waxa uu ku soo maray Todobo Gobol oo Somaliland ah.W
Warkan oo faahfaahsan la soco Goor Dhaw