Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filaayo Inuu Berri Safar Diyaaradeed Ku Tegi Doono Ceerigaabo Iyo Agabkii Dhismaha Waddada Sanaag Oo Ceerigaabo Gaadhay.

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filaayo Inuu Berri Safar Diyaaradeed Ku Tegi Doono Ceerigaabo Iyo Agabkii Dhismaha Waddada Sanaag Oo Ceerigaabo Gaadhay.
ZIILAANYO 3

Berbera(Salaanmedia.com)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo,oo Wali ku jira Safarkiisii uu Gobolada Dalka ku soo Marayey,ayaa Haatan u diyaar garoobay inuu Gaadho Gobolada Bariga Fog fog ee Sanaag.
ZIILAANYO 11

madaxweynaha oo Habeenkii Xalay ahaa Joogay Magaalada Berbera ayaa Wararka Aanu ka helaynaa waxa ay sheegayaan inaanu Mari doonin Waddada
dheer ee Rafka ah ee Ceerigaabo Tagta,balse uu Raaci doono Diyaar Halkaas Gaadhsiisa.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu Maalinta Berri ah ka Amba baxo Halkaas,isagoo ku jihaysan Magaalada Ceerigaabo oo si weyn looga wada
abaabul ballaadhan oo soo Dhaweyntiisa la xidhiidha.
Madaxweynaha oo ay Haatan la socdaan Wafti Aad u Ballaadhani ayaa waxa lagu wadaa inaanay Dhammaantood la raaci dooninn diyaariyadda oo
qaarkood caasimadda ku soo Noqon doonaan, halka kuwa kale oo koobanina ay Safar dhinaca dhulka ah Geli doonaan.
ujeedada Safarka gobolada galbeedka dalka kolka laga yimaado, socdaalka dhinaca Ceergaabo ee madaxweynuhu u xadhko xidhay ayaa ula-jeedkiisu
yahay dhagax dhiga mashruuca bilowga dhismaha wadad ceergaabo, iyadoo Qalabkii Halkaas lagu dhisayeyna Haatan Horraantiisii Gaadhay Magaalada
Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Doorkan Maanta ah Reer Ceerigaabo ula Tegayo Niyad wanaag badan iyo farxad ka badan middii uu hore ku qaabili jirey,
iyadoo sababtuna Tahay inuu si rasmi ah ugu dhagax dhigi doono waddada Ceerigaabo iyo Burco oo La filayo inay si degdeg ah u bilaabmi doonto.,,,,