Madaxweynne Siilaanyo Oo Socdaalkii Uu Dalka Ku Marayay Caawa Ku Soo Hoyday Burco Iyo U Diyaar Garawga Reer Sool Oo U Sugaya Soo Dhaweyntiisa.

Madaxweynne Siilaanyo Oo Socdaalkii Uu Dalka Ku Marayay Caawa Ku Soo Hoyday Burco Iyo U Diyaar Garawga Reer Sool Oo U Sugaya Soo Dhaweyntiisa.
ZIILAN BUR

Burco(Salaanmedia.com)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo Weftigii uu hoggaaminayay ee socdaalka ku marayay gobolada dalka Somaliland,ayaa caawa ku soo hoyday magaalada Burco iyadoo laga sugayo isla markaana looga diyaar garoobay magaalada Laascaanood.

Weftiga uu Hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Wasiirro,Xildhibaanno,Agaasimeyaal,Xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE iyo Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde,ayaa caawa fiidkii soo gaadhay magaalada Burco ka dib markii ay saaka ka soo dhaqaaqeen magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa,ayaa intii ay jidka ku soo jireen waxaa ay soo mareen magaalooyinka u dhexeeya Ceerigaabo iyo Burco,waxaanu Madaxweynuhu meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo Madaxweynaha iyo xubnaha safarka ku wehelinayay si weyn loogu soo dhaweeyay.
Lama og in Madaxweyne Siilaanyo socdaalkiisa uu dalka ku marayo inuu ugu dhaqaaqi doono dhanka gobolada Daadmadheedh iyo Haw doo uu sidaa ugu oo laaban doono caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo inuu dib ugu noqon doono caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood.