Magaaladda Wajaale oo Bandoo loogu Soo Rogay Ka Dib Rabshado ka Dhashay laba Nin Oo Laydh Ku Dhagay.

Magaaladda Wajaale oo Bandoo loogu Soo Rogay Ka Dib Rabshado ka Dhashay laba Nin Oo Laydh Ku Dhagay.
BANDOO

Magaaladda Wajaale oo Bandoo loogu Soo Rogay Ka Dib Rabshado ka Dhashay laba Nin Oo Laydh Ku Dhagay.
Wajaale(Salaanmedia.com) magaaladda Wajaale ayay saaka ciidanka RRU iyo SPU-du ku soo rogeen bandoo kadib markii rabshado waaweyni dhex mareen Dadweyne gadoodsan iyo shirkadda Telesom.
rabshadahaas oo ka dhashay laba nin oo Laydh shirkadda Telesom leedahay ku dhigay, kuwaas oo midkoodna dhintay ka kalena dhaawac halis ah soo gaadhay.
Dhacdada labada nin oo shalay ka dhacday magaaladda Wajaale ayaa khilaaf xoogani ku dhex maray gaadhi isku-rogo ah oo waayirada Laydhka Jiidhay, Shirkadda Telesom iyo Qoysaskii ay ka soo jeedeen labada nine e Laydhku ku dhagay.
Shirkadda Telesom ayaa ku doodaysa Laydhka in ay isku-rogadu jiidhay sababta dhimashadana iyadu masuul ka tahay, halka qoysaskii labada nin ka soo jeedeen ay ku doodayaan in meel la saaro masuuliyadda cida loo raacayo kiiskan.
Rabshado waaweyn oo illaa xalay lala beegsanayey xarunta shirkadda Telesom ayaa sababay in ciidamo farabadan laga kaxeeyo hargeysa kuwaas oo Bandoo galiyey magaaladda wajaale oo dhamaanteed albaabada loo laabay.
waxaa xaley ilaa maanta Gaabi Ahaan Istaagay Ganacsigii Magaalada Kadib Markii Uu Bilaabmay Mudahaaraado Rabshada Wata Oo Hadheeyey Magaalo Xuduudeeda Togwaajaale Mudaaraadkaasi Oo Kabilaabmay Xanaanada M Chka Oo Uu Yaalay Madkii Ninka Laydhku Qabsaday.
Magaalada Togwajaale Oo Ah Magaalo Ganacsi Ku Caan Baxday Amniga Iyo Ganacsiga, Ayaa Maanta Iyo Xalay Waxa Markaliya Isqabsaday Dayaanka Rasaasta Oo Aad Loo dareemey Iyadoo Dadkii Ethiopianka Ahaa Ee Magaalada Waxka kala iibsanayeyey Mar Qudha Ka baxeen Iyaga Oo Ka cabsi qaba dayaanka rasasta, Dadkan Mudaharaadayay Inay Boobaan Alaabaha Ay Ka Iibsadeen Magaalada.
Maamulka Degmadda Togwajaale ayaan ilaa hadda ka Hadal Arrintan.