Magacii Hooyada Fanka Somalida Ee Ay Magalada Hargeysa Caanka Ku Ahayd Oo Dib U Soo Noolaaday Iyo Saxafiyada Nimco Samriye Oo Qayb-laxaad Leh Ka Qaadatay.

Magacii Hooyada Fanka Somalida Ee Ay Magalada Hargeysa Caanka Ku Ahayd Oo Dib U Soo Noolaaday Iyo Saxafiyada Nimco Samriye Oo Qayb-laxaad Leh Ka Qaadatay.
FANKA

Hargaysa(Salaanmedia.com)March.10.2014-Magaalo kasta oo duniddan aynu ku uumanahay ku taallaa waxa ay leedahay taariikh lama ilaa waan ah oo si gaar ah ugu suntan,taasi oo dadka degan qiimo gaar ah ugu fadhida,magalada Hargeysa waa Magaaladii Fanka,Suugaanta iyo xoriyada dhulka afka somaliga lagaga hadlo,waa magaalo tan iyo markii la unkay wakhti lagu qiyaaso 1860,Alle hibo iyo sad uga dhigay in ay hoy u noqoto dad fanka iyo Hal-abuurnimada ehel iyo qaraabo la ah.
Hargeysa waa Hoygii Fanka,Haradii Abwaanka iyo Hal-abuurka, sidaa darteed Dawgii aad marayso, derbigii aad istaagto iyo dermadii aad ku fadhiisataba waxaad kula kulmaysaa Suugaan yahano hore kuwo dhexe iyo kuwii danbe oo sidii heego roob ama midho bislaaday u hibitiqinaya Suugaantooda,waa magaalo soo saarta fanaaniin,abwaaniin iyo jilayaal figta sare ka galay diiwaanka Suugaanta Somalida,oo taasi maaha mid aan maanta anigu sheegayo hore iyo dambeba waa kuwii Abwaano iyo Hal-abuuro ugu hawraaray ee yidhi,
… Gayiga Haboladiisiyo
Heesaaga Caan Baxay
Bartii Lagu Habeeyee Fanku
Heer Ku Gaadhay, Hargeysaay
Hoygii Martidiyo Hooyadii
Abwaankay Waad Hoodo Badantee …….
Hadaba Fankaasi Hargeysa ay sadka u heshay aan odhan karno waxa uu la kawsaday xoriyadii ama xoriyad u dirirkii heeryadii Gumaystaha lagu riday oo markaa suugaanta lafteedu ka mid ahayd wixii dadka wax loogu sheegi jiray ee ahaa warbaahin, nasiib daro laakiin hadii aynu hoos u soo degno dagaalkii ay dadka reer somaliland xoriyadoodii fool halawday ku soo celinayeen ayaa sidii wax kasta oo ay bulshada somaliland lahayd u burbureen uu fankuna kala mid ahaa in uu burburo,sida meelihii murtida iyo madadaalada,taasi oo aan ilaa hada aad moodo in anay isku xilqaamin xukuumaddihii u kala dambeeyay Somaliland.Balse waayadan dambe siiba sanadadan ugu dambeeyay waxa aad moodaa in fanaaniin Da`a yar yar iyo abwaaniin ay boodhka ka jafeen,oo ay dhiig cusub ku shubeen sidii dib loogu itaadhi lahaa fankii Hargeysa,bahdaasi fanka oo ah dhalinyaro run ahaantii dedaal iyo is xilqaam muujiyey iyaga oo aan wax taageero ah ka hela hayn dawladd iyo Hay`add toona,waxa xusid iyo amaan gaarna leh oo iyadu kow ka ah dhiigaa cusub ee lagu shubay fankii daciifay ee Hargeysa Saxafiyada Nimco Samriye oo iyadu Barnaamijkeeda Fanka iyo suugaanta ee ka baxa Tv-ga Horn Cable ku soo saartay fanaaniin dhalinyaro ah oo aad u tiro badan kuwaasi oo wakhti kooban Gudihii ku noqday kuwo ruxay suuqa fanka somalida noqdayna fanaaniinta loogu dhagaysi badan yahay dhulka afka somaliga lagaga hadlo heesahooda,kuwaasi oo dib u soo celiyey magacii ay hore Hargeysii ku caanka ahayd ee ahaa Hoygii Fanka Somalida ahna Caasimada Jamhuuriaydda Somaliland,sidoo kale waxa magaladu kulmisaa oo waliba baryahan ugu dambeeyay ku soo qul-qulayey fanaaniin iyo Hal-abuuro somali ah oo ka yimid meelaha iyo dalalka ay somalidu ka degantahay Geeska Afrika sida Somaliya,Kenya Itoobiya,Jabuuti iyo kuwo qurbaha ka soo noqday,ooba qaarkood degay.waxa magalada Hargeysa hada ka jira ugu yaraan inta aan ka xasuusto ilaa Afar koox Faneedyo kuwaasi oo ay koox walba ku bahoobeen fanaaniin,Hal Abuuro,musigistayaal iyo mulaxamistayaal intaba,siiba kooxda lagu magacaabo Xidigaha Geeska ayaa ah koox iyadu xusid mudan oo ah koox kow ka ah dib u noolaynta fanka Casriga ah ee Hargeysa,ahna Koox Faneed aad isugu duuban oo ay waliba ku bahoobeen fanaaniin rag iyo dumar ba leh oo hibo loo siiyey dhinaca fanka,ku darso oo iyada oo aanuu jirin gole ama fagaare ay heesahoda ku soo bandhigaan sida Tiyaatarkii Hargeysa oo aan isagu ilaa hada diyaarsanayn ayaa ay hadana dhalintaa fanku dedaalkaasi muujiyeen,waxaana looga baahanyahay xukuumadda somaliland siiba wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka ama ta Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha in ay geedi socodkan iyo dib u noolayntan fanka qayb-ka qaatan,madama uu dad iyo dalkastaaba uu leeyahay dad iyagu u heelan ilaalinta hidaha iyo dhaqanka dadkaasi.