Magalada Burco Oo Laga Xusay Xuska Maalinta Biyaha Aduunka + Sawiro

Magalada Burco Oo Laga Xusay Xuska Maalinta Biyaha Aduunka + Sawiro
WAK 1

Burco(Salaanmedia.com) Xuska Maalinta Biyaha Aduunka Oo Sanad Kasta 22 March Laga Xuso Guud Ahaan Caalamka Ayaa Waxa Maanta Si Balaadhan Looga Xusay Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Wak B 10

Wak 2

Waxaana Munaasibadaasi Lagu Xusaayey Maalinta Biyaha Aduunka Goobjoog Ka Ahaa Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Muuse Diiriye Duqa Degmada Burco Sh.Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan Muraad,Isuduwaha Wasaarada Khayraadka Biyaha Ee Gobolka Togdheer Rashiid Faarax,Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Ibraahim yuusuf diiriye ,Qaar ka Mid ah Isuduwayaasha Wasaaradaha kala duwan Ee Ka Haw-gala Gobolkani Togdheer iyo Xubno Ka Socday Haayadaha Caalamiga ah.
Wak 3

Waxana Ugu Horayntiiba Goobtaasi Ka Hadlay. Isuduwaha Wasaarada Khayraadka Biyaha Ee Gobolka Togdheer Rashiid Faarax Oo Ka Sheekeeyey Maalintani Xusitaanka Biyaha Aduunka Iyo Muhiimada Ay U Leedahay Bulshada Somaliland Waxaanu Yidhi

Wak 5

“Maanta Waa Maalinta 22 March Waa Maalintii Biyaha Aduunka Oo Sanad Walba Xus Iyo Xaflad Looga Dhigo Caalmka Maanta Xafladeenan Halku Dhigeedu Sanadkan Waa Tamarta Iyo Biyaha Ama Biyaha Iyo Tamarta Hadba Sidaad U Taqanana Labadu Ma Kala Maarmaan Sanad Walbana Xaflad Baanu U Qabana Ka Wasaarad Ahaan Si Aynu Isugu Baraarujino Oo Isugu Sheegono Qiimaha Ay Biyahu Nolosheena U Leeyihiin Ilaahaybaana Quraankeena Inoogu Sheegay In Ay Nolosheenu Biyo Ku Salaysan Tahay Waxkasta Oo Noole Ahina Uu Biyo Ku Noolyahay Waxaana Loo Baahan Yahay In Aynu Isu Eegno Qaabka U Keydsan Karno Ama U Heli Karno Biyo Nadiifa Oo Wanaagsan Ayaa Loo Baahan Yahay In Aynu Isku Baraarujino” Ayuu Ydhi Isuduwaha Wasaarada Khayraadka Biyaha Ee Gobolka Togdheer.

Wak B 10Wak B 10


Waxa Kale Ka Hadlay Munaasibadaasi Madaxda Haayado Dhawra Oo Ka Qeyb Qaatay Hir Galinta Mashruucani Xusitaanka Maalinta Biyaha Aduunka Ee 22 March Kuwaasi Oo Kala Ahaa Haayadaha Caritas,Care,Wold Vition,SYS,Iyo Ewada Waxaanay Dhamaantood Ka Warameen Faa,iidoonyinka Ilaalinta Iyo Kaydinta Biyaha Ay U Leeyihiin Bulshada Reer Somaliland Gaar Ahaan Bulshada Gobolkani Togdheer Iyo Deegnada Hoosyimaada.

Intii Ay Munaasibadaasi Socotay Ayaa Waxa Lagu Soo Bandhigay Riwaayad Ka Turjumaysa Ilaalinta Biyaha Iyo Faa,iidonyka Ay U Leeyihiin Bulshada. Waxaana Riwaayadaasi Soo Bandhigay Kooxda Walaalaha Togdheer Band Ee Magaalada Burco.

Wak M 9

Mayirka Degmada Burco Sh.Maxamed Yuusuf Muraad Oo isaguna Xafladaasi ka Hadlay ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii

Wak 5Wak 5

“ILAHAY Subxaana Wa Tacaalaa Biyaha Waa Inagu Nooleeyey Inagana Biyaa Laynaga Abuuray Shaykasta Waxa Nolol Looga Dhigay Biyaha Horta Marka Hore Ee Koowaad Biyaha Halkaasay Nolosha Ay Kaga Jiraan Oo Ay Guud Ahaan Wixii Noolaha La Yidhaahdo Ama Dhir Ha Ahaado Ama Inaga Ha Ahaadee Aynu Biyaha Ugu Noolnahay Halkaas Ayaanay Biyahu Kaga Jiraan Aduunka Haayadaha Waxaan U Soo Jeedinayaa Ma Wanaagsana In Wakhtiga Layskaga Lumiyo Maanta Waxaan Waxba Ka Soo Naaso Cadayn Waxa Loo Baahan Yahay In Aad Maal Galisaan Sidii Loo Samayn Lahaa Dhaamam Waaweyn. Kharashaadka Lagu Luminaayo Waxyaalo Aan Muhiim Ahayn Waxa Ka Wanaagsan In Layidhaahdo Dowladey Maxaad Haysaan Idina Aad Ku Dartaan Waxaad Heli Kartaan Oo La Sameeyo Dhaamam Waaweyn Oo Bulshada Oo Dhan Waraabiya” Ayuu Yidhi Duqa Degmada Burco.


Gabagabadiina Waxa Munaasibadaasi Soo Afmeeray Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Kaasi Oo Ku Dheeraaday Ahmiyda Iyo Muhiimada Ay Biyahahu U Leeyihiin Bulshada Caalamka Iyo Sidii Looga Faa,iidaysan Lahaa Biyaha Mara Meelaha Togaga Ah Ee AAN Laga Faa,iidaysan Waxaanu Yidhi

Waynu Ognahay In Biyahu Yihiin Nolosheena Waayo Waxaynu Ognahay In Jidhkeena 75% Ay Yihiin Biyo La,aantoodna Waxaynu Ka War Qabnaa In Aanay Nololi Jirteen Biyahuna Magacaas Iyo Qiimahaas Ayay Caalamka Ka Leeyihiin Oo Wax Tarkaasay Leeyihiin Mana Aha Waxaynu Maanta Isu Sharaxayno Markaa Waxaan Idin Leeyahay Ka Faa,iidaysta Biyaha” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye.

Wak 5

Si Kastaba ha ahatee Maaha Markii Ugu Horaysay Ee Magalada Burco Laga Xuso Xuska Maalinta Biyaha Aduunka,Waxaana Sanad Kasta Sidan Oo Kale Magalada Burco Looga Xusaa Xuska Maalintani