Mancini Oo Ku Taageeray Man City Inay Hanato Horyaalka Premier League

Mancini Oo Ku Taageeray Man City Inay Hanato Horyaalka Premier League

Mancin

Roberto Mancini ayaa ku taageeray Manchester City inay dib u hanato horyaalka Premier League madaama uu isaga ku hogaamiyay inay hantaan sannadii 2012.
Tababaraha Talyaaniga oo ay ceyrisay City dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ayaa aaminsan in ciyaartoyda joogta Etihad Stadium inuu awood u leeyihiin inay koobka qaadaan Chelsea oo ay ku celiyaan guushii uu iyaga gaarsiiyay labo sanno ka hor.
City ayaa lix dhibcood ka danbeysa kooxda hogaanka u heysa Premier League ee Chelsea iyadoo seddex kulan ay u harsan tahay marka loo fiiriyo Blues oo isbuucii haatan ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Aston Villa.
“Waxaan qabaa in Manchester City ay tahay kooxda ugu fiican” ayuu yidhi Mancini.
“Waxa ay heystaan ciyaartoyda ugu fiican.
“Ma aqaano haddii Liverpool oo sidoo kale shaqo fiican qabaneysa haatan ay ku guuleysan karto horyaalka.
“Waxaan qabaa ugu danbeyn in dagaalka uu u dhaxeyn doono City iyo Chelsea.”