Mas Cunay Yaxaas Kadib Markii Ay Ku Dagaalameen Banaanka Webiga

Mas Cunay Yaxaas Kadib Markii Ay Ku Dagaalameen Banaanka Webiga

Maz Maz

Mas ayaa iska dhiciyey yaxaas kadib marki uu dagaal dhex maray muddo shan saacadood meel ka baxsan webi ku yaalla dalkaasi Australia,dadkii daawanayeyna ay aad ula yaabeen maskii oo ku raaxaysanaya hilibka yaxaaska.
Dagaalkan ba’an ee u dhexeeyey maska iyo yaxaaska ayaa ka dhacay webiga la yidhaah Moondarra oo u dhow buurta la yidhaah Isa, ee gobolka waqooyi galbeed ee Queensland.
Sawirro cajiib ah oo uu ka qaaday nin sawir qaade ah(camera man) oola yidhaah Tiffany Corlis,oo ku nool gobolkaasi ayaa daawanayey markii ay dagaalamayeen maska iyo yaxaaska,isago arkayey maska oo cunaya yaxaaska dagaalamayana.
Corlis ayaa sheegay in yaxaasku uu isku dayey inuu iska dhiciyo oo uuka awood roonaado maska laakiin maysan dhicin taasi oo isku awood may ahayn.
“yaxaaska wuu dagaalamayey ilaa bilowgii,wuxuu isku dayey inuu madaxiisu kor ahaado si uu u badbaado,” ayuu u sheegay Tv ga dalkaasi eela yidhaah ABC News. “laakiin waxaan kuu sheegaya marba marka ka dambaysa labadoodu awoodoodu hoos bay u dhacaysay intii uu dagaalka socday,ugu dambayntiina wuu isdhiibay yaxaaska oo waa laga awood roonaaday.”