Maxaad Ka Taqaanaa Gantaalka “Katyusha” Ee Ururka Xisbullaahi Ku Dagaalamaan

Maxaad Ka Taqaanaa Gantaalka “Katyusha” Ee Ururka Xisbullaahi Ku Dagaalamaan

GANTAALKA

Ururka dagaalyahaniinta Xisbullaahi ee wadanka Lebanon ayaa daaha ka qaaday in ay haystaan ugu yaraan 12 kun oo ah gantaalaha loo yaqaan “Katyusha”, iyagoo isla markaana dhaar ku maray in si xoog leh u duqayn doonaan dhamaan magaalooyinka ku yaala waqooyiga ee ay Yuhuudu degan yihiin.
ÿUruruka Xisbullaahi ayaa tiro farah badan oo ah gantaalka “Katyusha” ku riday xaggaa iyo Yuhuuda iyagoo duqayn xoog leh u gaystay fadhiyo militari iyo saldhig ciidamada cirka ee Yuhuudu ku leeyihiin halkaas.
Haddaba akhristoow maxaad ka taqaanaa gantaalkan “Katyusha” ee Yuhuudu aadka uga cabsato: – Waxaa gantaalka “Katyusha” markii ugu horeysay la tijaabiyey sanadkii 1938.
– Wadankii hore loo dhihi jiray Midawga Soofiyeeti (Soviet Union) ayaa ahaa wadankii ugu horeeyey ee soo saaray gantaalkan.
Aad ayey u sahlan tahay isticmaalida gantaalkan. Waxaa laga ridaa isaga oo dhulka yaala, ama gaadhi korkiisa, ama garabka korkiisa.
– Tiirada gantaalkani waa ilaa 22km ilaa 70km. – Gantaalkan “Katyusha” waxa uu door weyn ka ciyaarey dagaalkii dheeraa ee Xisbullaahi la gashay Yuhuudu, ugu danbeyntiina ay kaga saartay Yuhuuda koonfurta Lenanon sanadkii 2000.
– Guddoomiyaha ururka Xisbullaahi sheekh Xassan Nasrallaahi waxa uu sheegay in dagaalyahaniinta ururkiisu ay markii ugu horeysay isticmaaleen gantaalka “Katyusha” bishii February 1992, oo ahayd maalin ka dib markii uu shahiiday guddoomiyihii hore ee ururka Xisbullaahi sheekh Cabaas Al Muusawi.