Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Maanta Xabsi Daa-in Ku Xukuntay Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Booliiska.

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Maanta Xabsi Daa-in Ku Xukuntay Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Booliiska.
MAXKAMAD-70x66

Hargaysa(Salaanmedia.com) Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qaranka Somaliland Ayaa Maanta Xabsi Daa’in Ku Xukuntay Gacan Ku Dhiigle Maxamed Aw Cabdi Jaamac Oo Ahaa Taliyihii Hore Ee Saldhiga Dalloodho Ooh Ore U Dilay Marxuum C/Raxmaan Cawil Xasan Xuseen Oo 16 Jir Ahaa
War Qoraal Ah Oo Muujinaya Xukunkan Maxkamadda Oo Warbaahinta Loo Qaybiyey Uuna Ku Saxeexan Yahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qaranka Xasan Aadan Sugulle Ayaa U Dhignaa Sidan:-
maxkamad1

Maxkamada Sare Ee Ciidamada Qaranku Waxay Soo Saartay Xukunkan Manta Oo Ay Taariikhdu Tahay 03.03.2014 Xukunkaasi Oo Lagu Xukumay Gacan Ku Dhiigle POLL Maxamed Aw Cabdi Jaamac Oo Ahaa Taliyihii Hore Ee Saldhiga Daloodho Oo Dilay Marxuun C/Raxmaan Cawil Xasan Xuseen 16jir Oo Hooyadii Lagu Magacaabo Kawsar Good Iimaan Taariikhdu Markay Ahayd 31.08.2012 Waxay Ku Xukuntay Xabsi Daa,In Waxayna U Cuskatay Qoddobada 90(A) 434, XCG Iyo Qod, 195 Xeerka Ciqaabta Ciidamada Ee Wakhtiga Nabbada .
Waxaana Ku Saxeexnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Ciidamada Qaranka
Xasan Aadan Sugale

L Q L