MEEYE MOOTOOYINKII MADAXWEYNAHA LOOGU TALA GALAY GALBISKA SOO DHAWAYNTA IYO SII DHAWAYNTABA Mootooyinkii Madaxtooyadu Ugu Talagashay Galbinta Madaxweynaha OO Aan Lagu Arag Soo Dhaweyntiisii,Waa Maxay Sababtu

MEEYE MOOTOOYINKII MADAXWEYNAHA LOOGU TALA GALAY GALBISKA SOO DHAWAYNTA IYO SII DHAWAYNTABA

Mootooyinkii Madaxtooyadu Ugu Talagashay Galbinta Madaxweynaha OO Aan Lagu Arag Soo Dhaweyntiisii,Waa Maxay Sababtu

XIRSI MOOTO 1

(Salaanmedia.com)mar.21.2014-Safarkii Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)iyo waftigii uu hogaaminayey ee Maalintii Shalay ahayd ku soo guryo noqday Magaalada Hargaysa ayaa aan si toosa loo arag Mootooyinkii ay Madaxtooyada Somaliland ugu tala gashay in madaxweynaha lagu galbiyo marka uu yimaado iyo marka uu dalka ka dhoofayaba.

XIRSI MOOTOOYINKA

Mootooyinkan oo ay tiradoodu afar Mooto oo uu Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md:Xirsi Xaaji Cali Xasan uu lacag qaali ah kaga soo iibiyey Dalalka aynu Jaarka nahay ayaa ahaa kuwo uu wasiirka madaxtooyada somaliland ugu tallo-galay in Maamuus ahaan loogu soo dhaweeyo madaxweynaha Somaliland xiliyada uu safarka u baxayo iyo marka uu dalka kusoo laabto.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland ayaa munaasibadii uu ku soo bandhigaayey mootooyinkan waxaa uu ka jediyey hadal kooban oo uu ka mid ahaa sida tan:”..iyada oo nidaamkii iyo baratakoolkii habsami u socodka dawladnimada iyada gacanta lagu hayo ayay tani qayb ka mid ah tahay in mootooyinkii maamuuska madaxweynaha ee hor soconaya iyo daba galayay oo la soo iibiyay ciidamadiina lagu tababarayo.”

Balse Ilaa hada lama oga sababta keentay in Mootooyinkaasi aanay qayb ka noqon inay ka qayb qaataan soo dhaweynta Madaxweyne Siilaanyo oo Maalmihii u danbaysay Safaro ku maraayey Gobalada Dalka oo ay Xukuumadu u arkaysay inuu yahay safar ay guulo fara badan ka soo hoysay.
Wararka Amuurtan La Xidhiidha Oo aan wali laga helin warar faahfaahsan ayaa ila wareedyo naga soo gaadhaya Madbakha madaxtooyadu ay sheegayaa in Mootooyinkaasi ilaa hada aan loo astayn cidii loo dhiibi lahaa ama Tobabar lagu siin wali cidii ka noqon lahayd darawal,waxaa kale oo wararku Tibaaxayaan in Mootooyinka qaar kamid ahi ay iyaguna xumaadeen oo iyada oo aan la soo tijaabin la keenay dalka .

Faalo.