Mertesacker Oo Ugu Baaqay FA-ga Inay Ka Joojiyaan Jadwalka Arsenal Kulamada Duhurkii Marka Ay Martida Yihiin

Mertesacker Oo Ugu Baaqay FA-ga Inay Ka Joojiyaan Jadwalka Arsenal Kulamada Duhurkii Marka Ay Martida Yihiin

MERTIS

Daafaca Arsenal Per Mertesacker ayaa doonaya in laga yareeyo kooxdiisa kulamada duhurtii ka dib markii ay ku dhibtoodeen waqtigaas xilli ciyaareedkan.
Kulanka dhacaya 12:45pm waqtiga Ingariiska ayaan u noqon kooxda Arsenal waqti fiican iyadoo 6-0 ay kaga badisay Chelsea sabtidii waana guuldaradii ugu danbeysay ee kulamada duhurtii ku soo gaarta koxoda Gunners.
Waxaa sidoo kala isla waqtigaas 5-1 kaga badisay Liverpool halka ay 6-3 ay kaga badisay Manchester City.
Mertesacker ayaana haatan qirtay in kulamada duhurtii marka ay martida yihiin inay ku dhibtooneyso weliba si aad ah kooxdiisa.
“Ma aqaano sababta, laakiin waxa ay u muuqataa inaanan jecleyn kulamada duhurtii marka aan martida nahay” ayuu daafaca Jarmalka u sheegay Daily Mirror.
“Waxa ay u muuqataa inaan u socono inaan ka codsano FA-ga inaanan ciyaarin 12:45pm anagoo marti ah. Taas ayaana ina caawin karta wax badan.”