“.Mida Kaliya Ee Wax Naga Qabyada Yihiin Waa Tii Ergada Qaybinteeda Taasna Waxaan Umalaynayaa..”.Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

“.Mida Kaliya Ee Wax Naga Qabyada Yihiin Waa Tii Ergada Qaybinteeda Taasna Waxaan Umalaynayaa..”.Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere
KUL XIL

Hargaysa(Salaanmedia.com).15.march.2014-Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa wali waxaa uu muran adagi ka taagan yahay habka Saami qaybsiga Ergooyinka Gobolada Dalka ee uga soo qayb galaaya Shirweynaha Xisbiga ee la rajaynaayo in uu dhawaan uu dhaco. Waxaana si weyn la isagu mari la’a yahay tirada erga walba uga soo qayb gali doonta Shirweynahasi iyada oo beelaha qaarna saluug adag ka muujiyeen Saamiga ay ka heleen ergooyinka uga qayb galaysa Shirweynahasi.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo maanta u waramaayey qaar kamida Warbaahinta ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday in wali ay qabyo ka tahay qaybinta ergooyinka ka soo qayb gali doona Shirweynaha Xisbiga KULMIYE waaxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “…..Waxaa uun noo hadhan wax yaaba yar yar oo farsamaa ee qaybintii udanbeeyey ah, een diyaar garawgii guud ahaana waa la qaatay haday tahay daabacadihii iyo qoraalkiba waa ay iska dhan yihiin mida kaliya ee wax naga qabyada yihiin waa tii ergada qaybinteeda taasna waxaan umalaynayaaa hadii ilaahay yidhaahdo in aanay maanta ama bari aanay nagu dhaafi Karin….”.
Waxaa uu sida oo kale uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxamaan Dheere in habka Saamiga Ergooyinka loo qaybinaayo ay ku saleeyeen Sadexdii Doorosho ee u danbeeyey”… waxaanan xisaabaadkaa ku salaynay sadexdii doorasho ee u danbaysay ee tii Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo tan u danbaysay waxaa noo hadhay uun waa celcelintii Tiradaas waayo ma noqonayaan waxa ugu danbeeya ee la qaato taasna imika naga heli maysaan inaan idiin siino tirada dhabta ah ee aan hayno waanad naga sugi doontaan inta ay ku dhamaanayso maanta iyo bariba….”Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere
Maalmihii u danbeeyey waxaa si aada isu soo taraayey ismarin waaga dhinaca Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga KULMIYE uga qayb galaaya Beelaha daga dalkan somaliland, waxaana cabasho ka muujiyey qaar kamida Beelaha daga somaliland iyada oo ay u hadleen qaar kamida xildhibaanada ugu jira xisbigaasi ku waasi oo muujinaayey sida aanay uga raali ahayn saamiga ay ka heleen.
Shirweynaha Xisbiga KULMIYE ayaa si aada loo dhawrayaa qabsoomidiisa kadib xalintii ay Gudi u Madaxweynuhu u saaray soo afjareen khilaafkii xooganaa ee hagaasiyey hanaan socodkii qabsoomida Shirweynaha Xisbiga KULMIYE.
– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Mida-Kaliya-Ee-Wax-Naga-Qabyada-Yihiin-Waa-Tii-Ergada-Qaybinteeda-Taasna-Waxaan-Umalaynayaaa…..-.Xildhibaan-Cabdiraxamaan-Dheere.html#sthash.Y1szXlNN.dpuf