Muuse Biixi Oo Ka Dareen Celiyey Shakiga Ay Axsaabta Mucaaridku Ka Qabaan In Doorashooyinku Wakhtigeedii Ku Qabsoomaan

“Horta Kalmadaas Ah Lacag Baa La Siiyey Meesha Kuma Jirto, Ta Musharaxnimadana Marka Wakhtigeeda La Gaadho Dabcan Dad Badan Ayaa Xaq U Leh Inay Ku Yimaadaan Is-Sharaxaad” Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi
MMMUUSE

Hargeysa, March 4, 2014 (Salaanmedia.com) – Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haye ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in doorashooyinka la filayo inay dalk ka qabsoomaan inay wakhtigii loogu talo-galay ay qabsoomi doonaan oo ay xisbigooda iyo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo-ba inay ka go’an tahay hirgalintooda isla markaana wixii dhaqaale dawladda looga baahnaana diyaar yihiin.
Muuse Biixi waxa uu sidoo kale si kulul u deedefeeyey warar laga baahiyey oo lagula xidhiidhiyey inuu lacag 4 Milyan oo dooller ah kaga tanaasulay musharaxnimadii madaxwaynenimo ee xisbiga Kulmiye, kaas oo warkaasi ku sifeeyey fadeexad isaga ka dhan ah.
Guddoomiyaha Kulmiye Mr Biixi waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo inuu iska dhex-sharaxayo xisbigiisa iyo in kale waxaanu ku dooday inaan la gaadhin wakhtigii laga hadli lahaa arrimahaasi, isaga oo tibaaxay inay jiraan musharixiin badan oo u carari-doona mansabkaasi shir-waynaha xisbiga ka dib.
Waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi kooban oo uu shalay xafiiskiisa ku siiyey Tv-ga Qaranka, ugu horayna isaga oo doorashooyinka ka hadlaya, waxa uu yidhi “Waxa weeye in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto, Dadaala waanu ugu jiraa. Waakii Madaxweynuhu isagoo Baarlamaanka la hadlaya yidhi Saacad in lay kordhiyo diyaar uma ihi. Annagu waxaanu ku soconaa sida Distoorku dhigayo Shantii sano markay dhamaadaan in Doorashadii la qabto. Waanu ku dadaalaynaa cid walbana inay ku dadaasho weeye, wixii foorso maanjor ah ee awoodeena ka baxsan dee Ilaahaybaa ku shaqo leh, laakiin annagu mawqifkaanu ka taaganahay waa kaas”. Muuse Biixi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray “Waanagii wada jir u saxeexnay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku, Madaxweynuhuna waxa uu warqad u diray qolada inaga caawisa xaga doorashada, Xukumaddana waa ka diyaar xageeda wixii dhaqaale ah ee kaga soo hagaagay”.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi mar uu ka hadlayey lacag la sheegay inuu kaga tanaasulayo musharaxnimada madaxwayne-nimo, ayaa isaga oo beeninaya, waxa uu yidhi “Horta Kalmadaas ah Lacag baa la siiyey meesha kuma jirto. Xataa wax-wax aan afka ku haboonayn ayaa jira. Qadiyada iyo masuuliyadda Qaranku wax iib gala maaha, waana wax aad u liita waxaasi waanan arkayay qaar waxaasi qoray, wax laga jawaabana maaha waa Arin aad u qaab daran. Ta Musharaxnimadu Shirkan kuma jirto wakhtigeediina ma joogno. Marka wakhtiga Musharaxnimada la gaadho dabcan dad badan ayaa xaq u leh inay ku yimaadaan is-sharaxaad. Markaa xiliga la gaadho ayaa laga wada hadlayaa yaa musharaxa sidaynu wax nidhaahnaa laakiin hadalkaasi imiku waa wax iska macno daro ah”.

Laaqalo