Muxuu Daarnaa Weerarkii Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu la beegsaday Tifaftiraha Wargeyska Ogaal

Muxuu Daarnaa Weerarkii Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu la beegsaday Tifaftiraha Wargeyska Ogaal

Gudomi H Shaq

Hargeysa, 27 March 2014 (Salaanmedia.com)- Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha dawlada Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale iyo rag ka soo jeeda beeshiisa ee weerar gacan ka hadal ah iyo dhaawacyo isugu jira u gaystay Tafiftiraha Wargeyska Ogaal Cabdifataax Ismaaciil Caarshe maxay ahayd u-jeedada ka dambaysay. Isla markaana masuulkaas oo awoodii iyo sharcigii dawlada ku dagaalamaya oo sharaf iyo magac-xumo u ah dawlada iyo qaranimada Somaliland ee beesha caalamka ay ka iibiso. Weerarkan oo uu soo abaabulay Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa ilaa iyo hadda waxa sharciya la soo taagin, kaas oo adeegsaday awoodaha dawlada uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay ceeb ku tahay hab-dhaqanka masuul-nimo, balse waxa calaamad u ah hab-dhaqanada foosha-xun ee masuuliyiinta dawlada ka muuqda . Guddoomiyaha oo ragga ay isku beesha yihiin kacanta ugu fiiqay Wariyaha ayaa waxa ka mid ahaa hadalkiisii. “Waakan inankii yaraa ee dila….Dila…Dila, ”Sidaas markuu yidhi Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha Nuux, ayaa waxa mar kaliya gacanta ku wada bilaabay rag tiro badan, halka qaar ka mid ahaana ay labadiisii gacmood laba diblo u qabteen, qaar kalena garacayeen. Markii dambe oo ay ka qabteen rag ku sugan goobta iyo dad marayey laamiga ayaa waxa Guddoomiyuhu ku dhawaaqay markii lagu yidhi inanka miyaad garanayn inuu yahay Wariye Ogaal ah. Waxaanu ku jawaabay Guddoomiyuhu,”Anigu waxaan moodayey Hawiye oo waxa liiska hore iigu jiray inuu yahay Hawiye oo dalka ka masaafiriya ayaanu islahayn ee ma Habar-jeclaa. Halkan anaga ayaa ka talina oo Hargeysa leh yarkow”ayaa ka mid ahaa hadalkiisii. Guddoomiyaha iyo ragga la socday waxay ku hanjabeen inay weerarayaan Xarunta Wargeyska Ogaal iyo Tififtirihiisa, siina raacinayey inay dad kalena u soo kaxaysan doonaan oo iyagu halkan ka taliyaan.